Site icon Daruur درور

Xaaska lacagta iga xadeyso ma furi karaa

Su’aasha:

waxan rabaa inaan idin weydiyo su’aashan oo ah nagta xaskaga ah haddii ay lacag xadeyso oo ay baxsanayso jeebka ama boorsadaada kuu gaarka ah ma furi karaa mana ah arintaas mid hal mar ah teeda kale mana u geynin duruuf talo deg deg ayaan rabaa.

Xaaska lacagta iga xadeyso ma furi karaa
Xaaska lacagta iga xadeyso ma furi karaa

Jawaabta:

Xatooyada ama tuuganimada waa dembi weyn oo diinta islaamka ay xarrimtay, laakin  marka ninka iyo xaaskiisa sheekada ay tahay waxaa la rabaa in la hubsado sababta keentay waa maxay, illeen naagta ninka xaq badan ayay ku leedahay, waxaa laga yaabaa inuu biilka ku yareeyay oo uu yahay nin bakhayl ah, teeda kale haddii naagta ninkeeda lacagtiisa ay u baxsato wax daruuri ah oo guriga looga baahan  yahay ma aha tuuganimo,  laakin waxaa daran naagta inay lacagtaas qaadanayso oo wax kale ay ku sameynayso  waxaa habboon ninka inuu naagtiisa arrinkaas toos u weyddiiyo wixii ay u baahan tahay iyo waxa ku  kallifay  waayo ninka iyo xaaskiisa waxaa la rabaa in naxariis ka dhexeyso, haddii naagta ay ahaan jirtay naag tuug ah oo usoo baratay arrintaas aad bay u daran arrinta waxaa laga yaabaa naagtaas inay meel kale ku dhacdo ama ilmaha ay barto tuuganimada, guud ahaan naagaha lacagta jecel oo wax kaste u sameeya lacag darteeda waa naago ay habboon tahay in laga fogaado, sida la og yahay dumarka soomaalida yurub ku nool badankooda maxaa ka dhigay garoobo  waxaa sabab u ah arrinkaas lacagta cayrta ay ninkeeda kula dagaallmayso waa laysku dhacaa marka waa lays furayaa, naagaha xun xun astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah naagta inay aad u jeceshay lacagta qaab aad loola yaabo, dumarka dhillooyinka lacag jacayl ayaa inta badan u geeyo inay jirkooda ka ganacsadaan, naag dhuuni ah waxaa fiican in layska ilaaliyo guurkeeda marka horaba, waxaa la rabaa naag dhowrsan inuu ninka raadsado marka uu rabo inuu guursado.

haddii ay  ka hari weyso naagta tuuganimada waxaa kuu fiican inaad iska furto intaysan kugu ridin bad kale.

waxaa kasii daran markuu ninka tuug yahay waxaa habboon naagta inay ka fogaato raga tuugada ah, waayo ninka tuugga ah waxyaalo ka waaweyn ayuu la imaanayaa.

Exit mobile version