Xaaska adeerkayga ma guursan karaa haduu dhinto

Su’aasha:

Asc waan Idin salaamay Barnaamijka iyo Daadihiyaashaba.
Su.aasha aan qabo ayaa ah Ninka Adeerkii Runa hadii uu Geeryoodo oo uu ka Tago Gadh yer da.a ahaan ma Guursan karaa si Caruurtii uu adeerkii ka tegay aanay u dayacmin sido kale ma gayaa Gabadhaa adeerkii Aabihii walaalkii ka dhintay?

Xaaska adeerkayga ma guursan karaa haduu dhinto
Xaaska adeerkayga ma guursan karaa haduu dhinto

Jawaabta:

Waa guursan karaa naagta adeerkaaga ka dhintay,  qofka xaaska adeerkiisa ama abtigiisa hadday ka dhintaan ama ay furaan, haddaysan meesha wax kale reebaya jirin sida nuugmada naaska ama qaraabanimo kale oo maxramnimo keeni karta.

Waxay la mid yihiin adeerka iyo abtiga sida walaalka oo kale, adiga hadda waad guursan kartaa xaaska walaakaaga markuu ka dhinto ama haduu furo.
Inkastoo laga fiican yahay marka uu soo furo inaad guursato taas waxaa laga yaabaa cadaawad inay dhaliso.

Su’aalo u dhow su’aashaada halkan ka akhriso:

  1. Abtigay qofta uu qabo ma ii banaantahay weysadana ma iga jabisaa?

  2. Ma ii banaan yihiin weysadana ma iga jabiyaaan labadaan qof?

  3. Xaaska adeerkay dumarka maxaariimta ah miyay kamid tahay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More