Site icon Daruur درور

Wiil yaaron dhalay baa xili walbo hawadu qabawdahay aad u qufaca daawada waa maxay

Su’aasha:

A S C, su’aashan qabo waxa weeyan wiilkayigu wa 8 jir xili kasto hawadu qabawudahay aad u qufaca /dry cough/ marka dhakhtarka wan geeya waxay daawo siiyan /paracetamol & antibiotics syrup/ wax yar bu ku fiicnaada hadana u kusoo laab’ ma qufacu xal iyo talo faah fahsan iga siiya mahad sanid.

Wiil yaaron dhalay baa xili walbo hawadu qabawdahay aad u qufaca daawada waa maxay
Wiil yaaron dhalay baa xili walbo hawadu qabawdahay aad u qufaca daawada waa maxay

Jawaabta:

Daawooyinka kiimikada badankooda ma xalliyaan mushkilada dhabta qufaca, waxaa fiican inaad u adeegsato waxyaalo dabiici marka hore subaxdii marka uu huradada kasoo koco biyo cusbo lagu qandiciyay haku luqluqado, biyahaas waxay ka nadiifiyaan meesha waxyaalaha xoqxoqi kara dhuunta, marka waxaad ku daaweyn kartaa caleemaha geedka seytuunka soomaalidu dhado oo afka qalaad lagu yiraahdo Guava geedkaas caleentiisa waa la helaa shaah ahaan inta loo kariyo ayaa maalin kaste subaxdii iyo fiidkii ayaad siinaysaa, mararka qaar sanjabiil ku kari ama liin dhanaan ku miir, waxaa kaloo aad ka ilaalisaa hawada inay si toos ugu dhacdo jirkiisa meel dugaal haku jiro dhar fiicanna ha wato siiba subaxdii iyo habeenkii, waxaa kaloo si dibiici ah loo siin karaa malab saafi oo lagu daray saliid seytuun isagana wuxuu joojinayaa cuncunka dhuunta wuxuu ka nadiifinayaa waxyaalaha xasaasiyadda dhuunta u keeno, ka ilaali biyo aan qandac ahayn inuu cabbo inshaa Allaah natiijo ayaad ka heli doontaa. Haddii aad rabto sharoobo aad u fiican waxaad usoo keentaa Pentamix Syrup waxaa laga sameeyay waxyaalaha dabiiciga ah caleenta Guavaha ay ka mid tahay.

Exit mobile version