Wiil u dhashay dalka masar gaar ahaan gobilka Qina ayaa hal mar loo guuriyay 4 gabdhood.
wiilka waxaa lagu magacaabaa Cumar Cabdoh wuxuuna jiraa 29 sano.
qisadan oo noqotay qisada ugu yaabka badan nin hal mar afar naag guursanaya.



wiilka oo meelo badan laga waraystay ayaa sheegay inuu u sameeyay arrinkaan marka hooyadiisa ay dalbatay dhowr jeer inuu guursado illeen walaalihiisa oo dhan ayaa gursadee.
guurka dalka Masar oo la guursado afar naag waa awx aad u yar, dhaqanka masaarida waa hal naag kaliya, inkastoo ay dhici karto qofka inuu labo haween guursado laakin nolosha guurka ayaa adag furiikana aad buu u badan yahay, laakin dhacadadaan ayaa noqotay mid ay aad ula yaabaan dhacabka reer Masar.
wiilka ma aha qof laga filanayay arrintaan marka loo eego da’diisa. dadka baraha bulshada ayaa labo u kala baxay qaar ayaa arrinkaan aad u dhaleeceeyay qaarna way ku dhiiragaliyeen. waxyaalaha la yaabka leh waxaa ka mid ah qof ku qoray baraha bulshada asoo ka hadlaya arrinkan. wuxuu yiri:
“Waa yahay mudane kabasoo qaad afar ayuu guursaday ma ii sheegi kartaa inuu sii noolaan karo ilaa subaxa”