Waxan Ku riyoday Ilma yar oo Qur’an aqrinayo
Su’aasha:
Asc gudomiye: waxan Ku riyooday wiil yar Ila toban jir oo Qur’an aqrinayo ana an lasocdo ninba dhagesanayay ilmahaas quranka aqrinaayo kadib waxan Ku iri hooyadiis waa xamdi maamo fiican Allah u naxariito
Jawaabta:
Riyada waa khayr badan oo aad la kulmi doonto waxay kugu boorrinaysaa inaad ku dadaasho quraanka kariimka oo aad mar walba akhriso ilmaha yar quraanka akhrinaya waa astaan khayr iyo barako inshaa Allaah quraanka waad ku liibaanaysaa.
Haddii hooyada aad sheegtay ay tahay qof aad garanayso riyada waxaa kaloo ay tilmaamaysaa inay heli doonto ubad wanaagsan oo quraanka xafidsan oo khayrka jecel.