Waxaan rabaa sida isaga yareyn lahaa cayilka

Su’aasha:

Waxaan rabaa ina Iska yareeyo cayilka gaar ahaan qeybta hoose ayu igu badan yahy canjaraha birida sidee iskaga yareeyaa.

Waxaan rabaa sida isaga yareyn lahaa cayilka
Waxaan rabaa sida isaga yareyn lahaa cayilka

Jawaabta:

Cayilka waxaa lagu yarayn karaa qofka inuu ka fogaao cuntooyinka miisaanka jirka kordhiya, sokorta iyo macmacaanka ka fogow, sidoo kale socodka badi, jirkaaga ha helo jimicsi badan.

Waxaa kaloo lagu yareeyaa adoo sidaas samaynaya inaad cunto qajaarka subax walbo sidoo kale ansalaatada, waxaad iska ilaalisaa baasatada iyo bariiska iyo rootiga, waxay ka mid yihiin cuntada miisaanka jirka kordhisa.

Waxaa jira cuntooyin qofka uu ka faa’ido dheregna dareensiiya cayilkana ka yareeya, waxaa ka mid ah boorishka sidoo kale qudaarta guud ahaan, sidoo kale subax kaste inuu ukun cuno waxay dareensiinaysaa dhereg marka taas waxay keenaysaa inuu cuntada yareeyo, sidoo kale caanaha garoorka oo aan lahayn kareemka iyaga waa lagu caatoowaa, qofkana wuxuu ka helaa wixii cuntada uu uga baahan yahay.

Cuntada dufinta leh iska yareey, markaad cunayso cunto kaliya u cun gaajada inaad iskaga baabi’iso kaliya, ee dhereg ha u cunin, haddaad samayso sidan jirkaaga hilibka wuu ka dhacayaa, waxaad noqonaysaa qof fudud inshaa Allaah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More