Wax yaab leh ayaan ku arkay xaaskay sababtuna waa Whatsapp
Su’aasha:
SCW bahda daruur wax yaab leh ayaan ku arkay xaaskay aniga waxan ahay aroos cusub wali bil ima dhamin, mar ayan usoo galay naagtay iyadoo mobelkeeda haysata waxan rabay inaan eego telkeeda WhatsApp ayaa u furaa kaftan ahan ayaan weydiiyay inaan arko waxan arkay iyadoo jaraynaysa oo cabsi soo gashay waxaan ogaa inay la shekaysan jirtay gabar ay saaxibo yihiin waan weydiiyay maxad u baqaysaa way i diiday inay ii sheegto, wan iska daayay mar kale waxan ka dalbay inay ii dhiibto taleefanka si aan u dirsado waxan arkay iyadoo jaraynaysa oo cabsi ku jirto waxan ku dhahay maxaa kugu dhacay maxaad u baqaysaa waxay igu tiri waxan ka baqaa inaad aragato sawirada gabdhaha saaxiibayaashayda ah arinta waxba kama soo qaadin, mar iyadoo watsappka qof kula sheekaysanayso yaya wax u baahatay taleefanka ayay ka tagtay waxan arkay sheekada dhex martay iyada iyo gabadha saaxibadeeda aad ayaan u naxay waxay ka sheekaysanayaan galmo iyo waxyaalo xunxun ma ogi waxa ku jiro taleefankeeda iimana ogola inan arko maxaa la dhihi karaa maxaad igula talinaysaan mahadsanidiin.
