Waswaaska weysada iyo soonka sidee loo reebaa

Su’aasha:

Waswaska Soonka 2020 aya salada intinjada weysada ayuu igagalay waswasku kadibna Soonka markasto aan cadeyda ,qabeysta, weysada wax ayan liqa ila heer cadeygi iyo qubeyski aan joojiyay weysadina ay igu adkaatay afka inta iskuqabta aan wajiga waysada kabilabi jiray hadana kamabadbadi jirin shakiga ila 12 maalmood ayay igudacday hadana waxaa lagaray 2021 niyada ayuu igagalay waswasku markan saruurta iyado edhanka xaqiiqada kaharsanyihiin ayuu tashwiish igufura sida wad Iska saxuuratay, niyadada sax maha, masoomi rabtid, iskadaa Soonka, sidan miyad kusoomeysa anigo sualihii kajawabayo ayuu edhanki kada balayadi idibaysayna wanwaya hada waxaan Raba Inan soqaleyo bishan Ramadaan odhan soonkeda iyo waliba kii 2020 marka bal talo isiyo.

Waswaaska weysada iyo soonka sidee loo reebaa
Waswaaska weysada iyo soonka sidee loo reebaa

Jawaabta:

Walaal waswaaska waa hubka ugu adag uu shaydaanka u adeegsado qofka muslinka, maadaama aad soontay waxba hasoo qalaynin soonkaaga wuu ansaxaa markii shuruudda laga helo, wixii waswaas ah dheg jalaq ha u siinin.

Marka aad weysaysanayso haka reebin biyaha inay afkaaga gaaraan maxaayeelay afka wuxuu ka mid yahay wejiga waa inaad dhaqdaa markaad weysaysanayso. Sidoo kale cadeyga wax dhib ah uma keeno soonka marka shaydaanka iska naar

Waswaaska Ilaahay ka magangal cibaadada aad samaynayso baro axkaamteeda si shaydaanka uusan meel u helin uu kaa soo galo.

Soonka aad soontay waswaas dartii looma soo qaleeyo marka iska ilaali shaydaanka inuu kugu cayaaro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More