Waswaaska istinjada iyo qoyaanka dumarka
Waswaaska istinjada iyo qoyaanka dumarka
Su’aasha:
Marka aan kaadida dhamaysto waxan ku arkaa faruraha cambarka dhacaan sijiidjiida oon dhamanin mudo ayaan fadhiyaa ilaa aan ka dhameeyo dhacankaas marka kaadida miyuu la mid yahay, marka an soo dhaqo hadana waan dareemaa shaki ayaa i wareeriyay salaadda ma ku tukan karaa haddii aanan si fiican u dhaqin, marka istinjada saxa ah ee dumarka waa sidee wareer ayan ka qabaa iisoo shega idinko mahadsan.

Jawaabta:
Shaki iyo waswaas waxaa keenaya shayddaanka, marka waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso shakiga badan, kaadida iyo qoyaanka cambarka farqi weyn ayaa u dhexeeya isku mid ma aha isku meelna kama soo baxaan, kaadida waxay leedahay meel u gaar ah, dhacaankana wuxuu kasoo baxaa gudaha cambarka, marka isku si ma aha.
Naagta markay istinjoonayso waxaa waajib ku ah inay farjiga oo dhan wada dhaqdo lagama rabo inay gudaha soo dhaqdo, waxaa la rabaa kaliya marka ay kadaloobsato meesha muuqata oo soo furmayso inay dhaqdo oo jeexa ah gudaha oo xiran ma aha inay gacanta farta galiso.
Marka aad dhaqdo shakiga iska daa, haddii aad kasoo baxdo musqusha oona aad iska soo dhaqdo kaadida, waajibka waa kaa dhacay, qoyaanka aad dareemayso ha raaraacin ma aha kaadi waa qoyaanka biyaha ama qoyaanka farjiga dabiiciga ah.
Waswaaska iska jir naftaada ayuu cadaabayaa.
Dumarka jecel in loo tago waqti gaaban xal maloo heli karaa
Doubt and suspicion are caused by the devil, so you should avoid excessive suspicion, urine and vaginal discharge are not the same and do not come out of the same place, urine has its own place, and the discharge comes out of the vagina, so it is not the same.
When a woman is urinating, she is obliged to wash the entire vagina, she is not required to wash the inside, she is only required to wash the visible part when she has opened it and the inside is closed, she is not allowed to put her hand in it.
When you wash, let go of doubt, if you come out of the bathroom and wash yourself from urine, your obligation has been fulfilled, do not be surprised by the moisture you feel, it is not urine, it is the moisture of water or the natural moisture of the vagina.
Beware of suspicion, it will punish you.