Waqtiga maqribka in la xiro miyaa albaabada iyo daaqadaha

Waqtiga maqribka in la xiro miyaa albaabada iyo daaqadaha

Su’aasha:

Asc bahda daruuro suaal wataa Maqribka iyo salaada subax in aalbaabda iyo daaqdaha guryaha laxidho sax miyaa mise waa quraafaad

Waqtiga maqribka in la xiro miyaa albaabada iyo daaqadaha
Waqtiga maqribka in la xiro miyaa albaabada iyo daaqadaha

Jawaabta:

Xadiis saxiix ayaa kusoo arooray waqtiga fiidka ama maqribka oo amraya in albaabada la xirto oo caruurta laga celiyo banaanka wuxuu yiri rasuulka (SCW):

( إِذَا كَانَ جُنْحُ اللَّيْلِ أَوْ أَمْسَيْتُمْ فَكُفُّوا صِبْيَانَكُمْ ، فَإِنَّ الشَّيْطَانَ يَنْتَشِرُ حِينَئِذٍ ، فَإِذَا ذَهَبَ سَاعَةٌ مِنْ اللَّيْلِ فَخَلُّوهُمْ ، وَأَغْلِقُوا الْأَبْوَابَ وَاذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فَإِنَّ الشَّيْطَانَ لَا يَفْتَحُ بَابًا مُغْلَقًا ، وَأَوْكُوا قِرَبَكُمْ وَاذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ ، وَخَمِّرُوا آنِيَتَكُمْ وَاذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ وَلَوْ أَنْ تَعْرُضُوا عَلَيْهَا شَيْئًا ، وَأَطْفِئُوا مَصَابِيحَكُمْ )

(Haddii la gaaro mugdiga habeenka ama aad fiidsataan reeba caruurtiina shaydaanka wuu faafaa waqtigaas, haddii hal saac ay kasoo wareegato iska daaya caruurtiina, xira albaabada xusa magaca Alle shaydaanka ma furo albaab xiran sibraaraydiinana dhuujiya (weelasha biyaha lagu shubto)  weelashiinana daboola Alle magaciisa xusa xataa haddii aad qori saartaan, feynuusyadana damiya)

Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim

Marka farriintan culimada waxay u badan yihiin inay tahay sunno oo aysan ahayn waajib, xiliiga fiidka waa xilli shayaadiinta ay soo fakadaan oo ay wax badan halleeyaan, caruurtana ma aha inta badan kuwo nijaasada ka fog sidoo kale adkaarna ma akhristaan sidaa awgeed ayaa loo amray in lagu hayo waqtigaas guryaha.

 

Bisad baan iga harin inay shaydaan tahay malaga yaabaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More