Site icon Daruur درور

Wanaaga aad u qaban karto aabahaaga dhintay

Su’aasha:

Walal marxaladaha qaar Murugo ayey igu abuuraan noloshayda mugdi ayey gasha farxad ma dareemo abahay Aya dhintay March 24 2021 Waan uu xiisa waana uu duceya waxna waa uu baxsha wll hal marxalad wan dhibsado marka arko Waxan xasuusta abahay marxaldahi adka dhan aya igu so baxaya habeenkas oohin ayey ii ahanaysa wll farxadi way iga yaratay hadi amay dambi ahan lahayn waka tagi laha dunidan ila taliya.

Wanaaga aad u qaban karto aabahaaga dhintay
Wanaaga aad u qaban karto aabahaaga dhintay

Jawaabta:

Marka hore aabbahaaga Ilaahay ha u naxariisto iyo inta muslin dhimatay, marka labaad waxaad ogaataa inuu jiro qadar Alle inuu wax walba qoray, dhimashadana waa xaq qof aduunka ku waaraya ma jiro, qofka muslinka hadduu dhinto khayr ayaa loo rajeynayaa, kaliya waxaad ku dadaashaa inaad duceyso aabbahaaga sidoo kale inaad sadaqo ka bixiso haddaad awooddo.

Waa inaad ka faa’ideysataa intaad adduunka ku nooshahay oo aabahaaga aad camalkiisa u kordhisaa, qofka dhintay oo muslinka ah camalkiisa ma go’o hadduu ka dambeeyo wiil ama gabar uu dhalay oo u duceynaya oo sadaqo ka bixinaya.

Qofkii ilmo wanaagsan ka tagay waa qof nasiib badan leh oo Ilaahay u nimceeyay, marka niyadda ha iska dilin waa inaad ku faraxsanaataa wanaaga aad u hayso aabahaaga. Wuxuu yiri rasuulka (SCW) asoo arintaas tilmaamaya:

(إِذَا مَاتَ الإنْسَانُ انْقَطَعَ عنْه عَمَلُهُ إِلَّا مِن ثَلَاثَةٍ: إِلَّا مِن صَدَقَةٍ جَارِيَةٍ، أَوْ عِلْمٍ يُنْتَفَعُ بِهِ، أَوْ وَلَدٍ صَالِحٍ يَدْعُو له).

(Hadduu dhinto aadanaha camalkiisa waa ka go’ayaa sedex mooyee: sadaqo soconaysa, ama cilmi laga faa’idayo, ama ilmo suuban oo u ducaynaya) 

Waa xadiis saxiix ah uu wariyay Muslim

Exit mobile version