Wahaabiyada iyo Suufida ma Ahlusunna ayay isla yihiin

Su’aasha:

Waxaa ii sheegtay Wahaabiyada iyo suufida inay kala haystaan afkaaro iska soo hor jeeda oo dariiqyada diinta xagooda waxaan kaa rabaa inaad taariikh kooban iga siiso labada dhinac iyo sidey ku soo bilaabmeen diiniyanse markii la fiiriyo labada dhinac kee baa saxan mida kale qolada takfiirta ee dadka gaaleysiisa maxay kaga duwanyihiin qolyahan suufida iyo wahaabiyada.

Wahaabiyada iyo Suufida ma Ahlusunna ayay isla yihiin
Wahaabiyada iyo Suufida ma Ahlusunna ayay isla yihiin

Jawaabta:

Suufiyada dhowr nooc ayay kala yihiin qaar waa iska caadi qaarna aad ayay u lunsan yihiin, taariikh ahaan waa hore ayay soo bilowdeen bidcooyin badan ayaa soo galay, wahaabiyada waxay kasoo jeedaan Muxamad bin Cabdilwahaab oo qaatay mad’habka salafiyada laakin si xoog ugu taraxtagay oo gaalaysiiyay suufiyada oo dhan isagana wuxuu soo bilowday 200 sano ku dhowaad, wuxuu kasoo baxay Najdi jasiiradda carabta dowladda sacuudiga ayaana qaadatay aragtida wahaabiyada inkastoo hadda ay ka siibmayaan, asalka mad’habka wahaabiga wuxuu isu tirinayaa aragtida salifiga in laga soo horjeesto madaahibta fiqiga kale kaliya in la qaato quraanka iyo xadiiska, wuxuu ku dhisan yahay ad’adayg, qolada takfiirka hadda jooga badankooda waa wahaabiyada mitidka ah sidoo kale wahaabiyada waxay qabaan kuwo madaxda aan gaalaysiinin waliba aad u taageera waxaa loo yaqaanaa salafiya aljadiida, waxaa horay u jiri jiray qolo la dhihi jiray khawaarij iyo kuwo kale muctazila iyagana waxay ku gaalaysiin jireen muslimiinta markay dambi weyn galaan sida sinada ama dilka oo kale, marka taariikha oo faahfaahsan halkan laguma soo koobi karo.

Marka aan usoo laabto ahlusunna miyaa labada qolo ? marka aad weydiiso wahaabiyada waxay ku leeyihiin annaga ayaa ahlusuna ah sidoo kale suufiyadana waxay leeyihiin annaga ayaa ahlusuna ah illeen waxaan haysanaa mad’habka ashcariga xagga caqiidada.

Laakin waxaad ogaataa miisaanka qofka waa inuu ahaadaa islaamka, diinta aan haysano waxaa la dhahaa islaam qofka haystana waa muslin, Ilaahay waxa uu ku weydiinayo waa diintaada ee laguma weydiinayo wahaabi miyaad ahayd mise suufi mise ahlusuna mise salafi mise ashcari? waxa lagu weydiinayo waa diintaada, marka waxaa kugu filan magaca muslinka kaliya, qolooyinkaas  suufi iyo wahaabiyaba guud ahaan waa muslin qofkii la yimaado mooyee wax gaalnimo cad ah asoona og waxaas gaalnimo inay yihiin, Ilaahay wuxuu noo sheegay in diinta islaamka ay diin noo tahay anbiyadana inay ahaayeen muslimiin aayado badan ayaana kusoo arooray qeybtan kaliya aan kasoo qaatay:

Alle wuxuu yiri:

(وَجَاهِدُوا فِي اللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِ ۚ هُوَ اجْتَبَاكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ ۚ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِي هَٰذَا لِيَكُونَ الرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ ۚ فَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَاعْتَصِمُوا بِاللَّهِ هُوَ مَوْلَاكُمْ ۖ فَنِعْمَ الْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ النَّصِيرُ)

(kuna Dadaala dar Eebe Dadaal Dhab ah, Isagaana idin Doortay, mana yeelin Diinta Dhib, waa Milladdii Aabihiin Ibraahim, isagaana (Eebe) Idiinku Magacaabay Muslimiin horay iyo Quraankan si Rasuulku marag korkiina ugu Noqdo, idinkuna aad Marag u ahaataan Dadka, ee Ooga Salaadda oo Bixiya sakada oo Qabsada Eebe isagaa Gargaarihiina ah isagaana u Fiican Sayid isagaana u Fiican Gargaare)

(مَا كَانَ إِبْرَاهِيمُ يَهُودِيًّا وَلَا نَصْرَانِيًّا وَلَٰكِن كَانَ حَنِيفًا مُّسْلِمًا وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ)

(Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid ma aha Mushrikiinta (Gaalada))

(وَمَنْ أَحْسَنُ دِينًا مِّمَّنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُ لِلَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ وَاتَّبَعَ مِلَّةَ إِبْرَاهِيمَ حَنِيفًا ۗ وَاتَّخَذَ اللَّهُ إِبْرَاهِيمَ خَلِيلًا)

(yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebe isagoo sama fali oo raaca diinta (Nabi) Ibraahim, wuxuuna ka yeeshay Eebe Ibraahiim khaliil (mid u gaar ah))

(وَمَن يَبْتَغِ غَيْرَ الْإِسْلَامِ دِينًا فَلَن يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ)

(Ruxii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More