Wahaabiyada iyo Suufida ma Ahlusunna ayay isla yihiin
Su’aasha:
Waxaa ii sheegtay Wahaabiyada iyo suufida inay kala haystaan afkaaro iska soo hor jeeda oo dariiqyada diinta xagooda waxaan kaa rabaa inaad taariikh kooban iga siiso labada dhinac iyo sidey ku soo bilaabmeen diiniyanse markii la fiiriyo labada dhinac kee baa saxan mida kale qolada takfiirta ee dadka gaaleysiisa maxay kaga duwanyihiin qolyahan suufida iyo wahaabiyada.

Jawaabta:
Suufiyada dhowr nooc ayay kala yihiin qaar waa iska caadi qaarna aad ayay u lunsan yihiin, taariikh ahaan waa hore ayay soo bilowdeen bidcooyin badan ayaa soo galay, wahaabiyada waxay kasoo jeedaan Muxamad bin Cabdilwahaab oo qaatay mad’habka salafiyada laakin si xoog ugu taraxtagay oo gaalaysiiyay suufiyada oo dhan isagana wuxuu soo bilowday 200 sano ku dhowaad, wuxuu kasoo baxay Najdi jasiiradda carabta dowladda sacuudiga ayaana qaadatay aragtida wahaabiyada inkastoo hadda ay ka siibmayaan, asalka mad’habka wahaabiga wuxuu isu tirinayaa aragtida salifiga in laga soo horjeesto madaahibta fiqiga kale kaliya in la qaato quraanka iyo xadiiska, wuxuu ku dhisan yahay ad’adayg, qolada takfiirka hadda jooga badankooda waa wahaabiyada mitidka ah sidoo kale wahaabiyada waxay qabaan kuwo madaxda aan gaalaysiinin waliba aad u taageera waxaa loo yaqaanaa salafiya aljadiida, waxaa horay u jiri jiray qolo la dhihi jiray khawaarij iyo kuwo kale muctazila iyagana waxay ku gaalaysiin jireen muslimiinta markay dambi weyn galaan sida sinada ama dilka oo kale, marka taariikha oo faahfaahsan halkan laguma soo koobi karo.
Marka aan usoo laabto ahlusunna miyaa labada qolo ? marka aad weydiiso wahaabiyada waxay ku leeyihiin annaga ayaa ahlusuna ah sidoo kale suufiyadana waxay leeyihiin annaga ayaa ahlusuna ah illeen waxaan haysanaa mad’habka ashcariga xagga caqiidada.
Laakin waxaad ogaataa miisaanka qofka waa inuu ahaadaa islaamka, diinta aan haysano waxaa la dhahaa islaam qofka haystana waa muslin, Ilaahay waxa uu ku weydiinayo waa diintaada ee laguma weydiinayo wahaabi miyaad ahayd mise suufi mise ahlusuna mise salafi mise ashcari? waxa lagu weydiinayo waa diintaada, marka waxaa kugu filan magaca muslinka kaliya, qolooyinkaas suufi iyo wahaabiyaba guud ahaan waa muslin qofkii la yimaado mooyee wax gaalnimo cad ah asoona og waxaas gaalnimo inay yihiin, Ilaahay wuxuu noo sheegay in diinta islaamka ay diin noo tahay anbiyadana inay ahaayeen muslimiin aayado badan ayaana kusoo arooray qeybtan kaliya aan kasoo qaatay:
Alle wuxuu yiri:
(وَجَاهِدُوا فِي اللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِ ۚ هُوَ اجْتَبَاكُمْ وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ ۚ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِي هَٰذَا لِيَكُونَ الرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيْكُمْ وَتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ ۚ فَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَاعْتَصِمُوا بِاللَّهِ هُوَ مَوْلَاكُمْ ۖ فَنِعْمَ الْمَوْلَىٰ وَنِعْمَ النَّصِيرُ)
(kuna Dadaala dar Eebe Dadaal Dhab ah, Isagaana idin Doortay, mana yeelin Diinta Dhib, waa Milladdii Aabihiin Ibraahim, isagaana (Eebe) Idiinku Magacaabay Muslimiin horay iyo Quraankan si Rasuulku marag korkiina ugu Noqdo, idinkuna aad Marag u ahaataan Dadka, ee Ooga Salaadda oo Bixiya sakada oo Qabsada Eebe isagaa Gargaarihiina ah isagaana u Fiican Sayid isagaana u Fiican Gargaare)
(مَا كَانَ إِبْرَاهِيمُ يَهُودِيًّا وَلَا نَصْرَانِيًّا وَلَٰكِن كَانَ حَنِيفًا مُّسْلِمًا وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ)
(Ma aha (Nabi) Ibraahim Yuhuud iyo Nasaara (midna) waase toosane Muslim ah kana mid ma aha Mushrikiinta (Gaalada))
(وَمَنْ أَحْسَنُ دِينًا مِّمَّنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُ لِلَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ وَاتَّبَعَ مِلَّةَ إِبْرَاهِيمَ حَنِيفًا ۗ وَاتَّخَذَ اللَّهُ إِبْرَاهِيمَ خَلِيلًا)
(yaa ka diin fiican ruux u jeediyey wajigiisa Eebe isagoo sama fali oo raaca diinta (Nabi) Ibraahim, wuxuuna ka yeeshay Eebe Ibraahiim khaliil (mid u gaar ah))
(وَمَن يَبْتَغِ غَيْرَ الْإِسْلَامِ دِينًا فَلَن يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ)
(Ruxii doona Diin aan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray)
Are Wahhabis and Sufis the same as Ahlus Sunnah?
There are several types of Sufis, some are normal and some are very lost. Historically, they started a long time ago and many heresies have entered. Wahhabism originated from Muhammad bin Abdulwahab, who adopted the Salafi school of thought but then violently attacked and apostatized all Sufis. He also started almost 200 years ago. He came from Najdi on the Arabian Peninsula. The Saudi government adopted the Wahhabi view, although they are not moving away from it now. The origin of the Wahhabi school of thought is the Salafi view of opposing other schools of thought and only accepting the Quran and Hadith. It is based on tradition. Most of the current Takfiri sects are moderate Wahhabis. Wahhabis also have those who do not apostatize the leaders and support them very much. This is known as Salafiyya al-Jadidah. In the past, there was a group called Khawarij and others called Mu’tazila, and they used to apostatize Muslims when they committed serious crimes, such as: such as adultery or murder, so the detailed history cannot be summarized here.
When I come back to the Ahlussunnah, are the two sects? When you ask the Wahhabis, they say that we are Ahlusuna, and the Sufis say that we are Ahlusuna because we have the Ash’ari school of belief.
But you know that the weight of a person must be Islam, the religion we have is called Islam and the person who has it is a Muslim, what God is asking you is your religion, not whether you were a Wahhabi or a Sufi or an Ahlusuna or a Salafi or an Ash’ari? What he is asking you is your religion, so the name of a Muslim is enough for you, those Sufi and Wahhabi sects are generally Muslims, except for the one who comes with something that is clearly disbelief and knows that they are disbelief, God told us that the religion of Islam is our religion and that the prophets were Muslims, and many verses have been revealed to us in this part alone that I have taken from:
