Wadaadka la dhaho Mulla Cali Alkurdistaani waa maxay xaalkiisu

Su’aasha:

Wll waxaa sidaad lasocotaanba baryahan waxa baraha bulsahada aad ugu jira nin ladhaho Dr Ali mala alkurdistani oo qaabab mucjiso ah wax udaawaynaya waa sida ay u muuqato eh, ninkaasi qofka curyaanka uu kicinayaa, ka camoolaha ah indhuhuu ufiiqayaa kadibna waxbuu arkayaa! Ku aan waligii hadal ayaa lookeenayaa uu ka hadashiinaa! Wuxuna qofka ku akhrinayaa laba aayadood oo qur,aanka kamid ah. Waxyaabaha aad layaabayso waxaa kamid ah ninkaasi qofkasta oo lookeeno uu dhunkanayaa(shuminayaa) xataa haday tahay gabadh oo dabcan ajnabi ka ah. Hadaba ninkaa xaalkiisu muxuu yahay walaal.

Wadaadka la dhaho Mulla Cali Alkurdistaani waa maxay xaalkiisu
Wadaadka la dhaho Mulla Cali Alkurdistaani waa maxay xaalkiisu

Jawaabta:

Wadaadka lagu magacaabo Mulla Cali Alkurdistaani waa qof asalkiisa masjid xaaqi jiray taasna ceeb ma aha waa sharaf, laakin lama hayo inuu aqoon sharci culimada kasoo bartay ama inuu jaamacad soo dhigtay, waxaa la sheegay inuusan shaqadiisa kasoo bixin markaas ayaa laga soo ceyriyay masjidka, kaddib wuxuu bilaabay inuu dadka tuf ku daaweeyo wuxuu la heshiiyay dadka ka ganacsada malabka iyo madaawaadka hanti badan ayuu ka sameeyay ganacsigaas, wuxuu u diri jiray dadka uu daaweeyo dukaamo gaar ah wuxuu saaran jiray lacag badan, marka waxaa la sheegay inuu aaminsan yahay kaadida dadka in wax lagu daaweyn karo oo caanaha lagu darsado, sidoo kale naagaha ayuu khalwo la galaa, wuxuuna taabtaa jirkooda, guud ahaan qofka noocaas ah waa in layska ilaaliyaa waxaa laga yaabaa nooc sixirka ka mid ah dadka inuu u adeegsado si uu u baddalo masakxadooda, qofka haddii uu khilaafo wixii shareecada kusoo arooray lama raacayo xataa hadduu buubayo ama uu sameynayo waxyaalo aan la sameyn karin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More