Waa maxay cudurka cabsida guurka (Gamophobia)

What is the fear of marriage (Gamophobia) ?

Guurka caadi ahaan wax wax dabiici ah oo dhex maraya nooleyaasha oo dhan meel kastoo ay ku nool yihiin.
Laakin mararka qaarkooda qofka waxaa lasoo gudboonaada cabsi dhanka guurka taas oo keenaysa qofka inuu ka baqo guurka waliba marka uu gaaro da’da guurka uuna helo qofta uu guursan lahaa, waxaaba laga yaabaa inuu helay qof uu jecel yahay oo ku habboon guur.

Waa maxay cudurka cabsida guurka (Gamophobia)
Waa maxay cudurka cabsida guurka (Gamophobia)

Waxaa loo yaqaanaa cudurkan Gamophobia waa cudur dad badan ku dhaco qofka wuxuu gaaraa heer uu kasoo qaado guurka inuu yahay geeri oo kale baqiddiisa meesha ay gaarsiisan tahay.

Cudurka Gamophobia dad badan ayuu ku dhacaa raga iyo dumarkaba.

cudurkan marka hore shaki ayuu kasoo bilaabanayaa ilaa uu gaaro heer qofka uu awoodi waayo inuu lamaane nolol la wadaago.

waxaa la ogaaday inuu ku badan yahay cudurka Gamophobia raga oo uu ku yahay naagaha.

Sababaha keena waxaa ka mid ah qofka oo ah nin cabsi badan caadi ahaan, marka maxaad u malaynaysaa qof kale marka uu nolol la wadaago oo ay hal meel isla seexanayaan oo ay is dhexgalayaan taas waxay keenaysaa inuu cabsi kasii qaado xiriirka guurka.

waxaa kaloo keeni kara qofka markuu la kulmo noloshiisa xaalad xun ama dhacdo naxdin leh oo guurka xiriir la leh taasoo maskaxdiisa ku abuurayso inuu yahay guurka wax xun.

astaamaha lagu garto qofka uu hayo cudurka cabsida guurka:

waxaa ka mid ah: qofka oo aan lagu soo qaadi karin sheeko guur ama inuu diidayo marka ay usoo bandhigaan waalidkiisa inuu haweeney ama gabar guursado.

waxaaba laga yaabaa inuu dhib u geysto qofkii guur kusoo qaado, waxaa dhici karto inuu dil u geysto.

Waxaa dhacday nin u dhashay dalka Indonesia ayaa ahaa nin doob ah  haweeney deriskiisa ah ayaa maalin kaste waxay dhihi jirtay goormaad guursanaysaa ninkii ayaa naagta cuqdad iyo nacayb u qaaday marka ugu dambeysay wuu dilay.

marka cudurka guurka oo laga baqo waa cudur aad u daran.

wuxuu kaloo qofka ku abuurayaa marka uu guursado inuu fashilmayo raga qaar waxay ka baqaan habeenka aqalgalka inuu xaaska wax ka tari waayo taaso mararka qaarkii dhacdo waxaana sabab u ah cabsida iyo fikirka la xiriira guurka.

daawada cudurka Gamophobia waa qofka in nafsi ahaan loo daaweeyo waxaana ugu fiican in qofka Ilaahay diintiisa qabsado oo la yimaado iimaan xoog leh markaas wuxuu garan karaa nolosha adduunka waxay tahay. Ereyada raadiska: Cabsida guurka, Cudurka Gamophobia, Cabsida habeenka aqalgalka, Habeenka aqalgalka

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More