Site icon Daruur درور

Timahayga Ma Baxayaan Xitaa Hadaan Dhawr Sano Daayo

Su’aasha:

Timahayga Ma Baxayaan Xitaa Hadaan Dhawr Sano Daayo Ma Korays Ayay Noqdeen Arintan Waxaan Jeclahay Inay Siigadu Igu Keentay Waayo Siigada Intaanan Bilaabin Timahaygu Sifiican Ayay Ubixi Jireen Hada Siigada Waan Iska Joojiyay Inkaston Mudo Badan Kusoo Dhex Jiray Markaa Maxaan Kusameeyaa Timahayga Bixi Waayay Ama Ma Korayska Noqday.

Timahayga Ma Baxayaan Xitaa Hadaan Dhawr Sano Daayo
Timahayga Ma Baxayaan Xitaa Hadaan Dhawr Sano Daayo

Jawaabta:

Dhakhaatiirta way isku khilaafeen dhibka ay siigadu timaha u keento guud ahaan, qaar waxay qabaan siigada inaysan timaha shaqo ku lahayn oo aysan wax dhib ah u keenaynin, qaarna waxay qabaan inay siigada timaha dhib u keento oo ay daadin karto ama ay reebi karto koritaankooda, laakin waxaa la ogaaday raga aadka u siigaysta inay saameynayso timahooda iyo jirkooda guud ahaan, maxaayeelay siigada qofka waxay u keentaa qalqal iyo cabsi qalqalkana wuxuu saameeyaa jirka iyo timaha iyo maqaarka, marka way dhici kartaa arrintan inay siigada sabab kugu noqotay laakin ilaa iyo hadda daliil cad looma hayo, guud ahaan ka fogow siigada, teeda kale timaha inay soo daahaan wax dhib ma laha, waayo si kastaba waad iska jari lahayd.

Exit mobile version