Tarantulas Arabic to Somali – Arabic Translator
Tarantulas Arabic to Somali – Arabic Translator
Somali Arabic Translator, tarantulas Arabic to Somali
Afka carabiga waa af aad u ballaaran marka af soomaali lagu tarjumayo qofka wuxuu la kulmaa dhibaatooyin fara badan.
Waxyaalaha ugu caansan oo dadka ay ku qaldamaan waxaa ka mid ah labka iyo dhedigga.
Afka carabiga wuxuu leeyahay lab iyo dheddig sidoo kale af soomaaliga isagana wuxuu leeyahay lab iyo dheddig laakin labada luqadood iskuma raacsana ereyada labka ah iyo kuwa dheddiga ah.
Tusaale ahaan ereyga “dab” af soomaaliga waa lab carabigana waa dheddig oo ah “نار” markaan tusaale aan keenoo waxaan leenahay:
Dabka guriga ayuu gubay | أحرقت النار المنزل |
Cirka waa iftiimay | أشرقت السماء |
Falka gubay waa lab hadduu dheddig ahaan lahaa wuxuu noqon lahaa “gubtay” waxaa xoog badiyay magaca oo ah dab falkana isagaa la raaciyay.
Marka qaar labada luuqadood carabiga iyo soomaaliga waxay isku raacaan ereyga nooca uu yahay sida ereyga “gacan” oo dhedig.
ereyga “يد” carbiga ah inuu isagana dedig yahay markaas tarjumaadda wax dhib ah lama soo gudboonaanayo sida tusaalahan oo kale:
Gacanta wejiga ayay taabatay | لمست اليد الوجه |
Isha way ilmaysay | دمعت العين |
Afka ingiriika ma aha sida carabiga iyo soomaaliga labka iyo dhediiga magacuyaalka ayuu galaa kaliya sida he iyo she.
Laakin falka ma qaato lab iyo dheddig tusaale
Gacanta wejiga ayay taabatay | The hand touched the face |
Isha way ilmaysay | the eye brought tears |
Dabka guriga ayuu gubay | The house burned down |
Cirka waa iftiimay | The sky lighted |
Qaamuus soomaali ama af kale sida carabi ama English qofka si toos ah ugama ogaan karo labada ereyga lidka isku ah ama lab iyo dheddigga uu la socdo.
Luuqadda Carabiga Qaababka Loo Baran Karo
Tarantulas Arabic to Somali
You can get translation service from Microsoft translator
Halkaan waxaad arkaysaa ereyo badan oo carabi iyo english iyo soomaali ah:
Arabic | English | Somali |
كتاب | book | buug / kitaab |
قلم | pen | qalin |
دماغ | brain | maskax |
غضب | angry | xanaaq / caro |
حب | love | jacayl |
دواء | medicine | daawo |
مشي | walking | socod |
كلام | speech | hadal |
طعام | food | cunto |
اسم | name | magac |
ورقة | paper | warqad |
جريدة | newspaper | wargeys |
صحافة | press | saxaafo |
قتال | fighting | dagaal |
بندقية | gun | qori |
عصا | stick | ul |
موقع | location | meel |
قاموس | dictionary | qaamuus |
ترجمة | translation | tarjumaad |
نحو | grammar | naxwe |
معرفة | knowledge | aqoon |
طالب | student | arday |
مدرسة | school | dugsi |
جامعة | university | jaamacad |
مدير | manager | maamule |
فكر | idea | figrad |
طريق | road | waddo |
سماء | sky | cir / samo |
أرض | earth | dhul |
نجم | star | xidig |
ماء | water | biyo |
تربة | soil | ciid / turaab |