Soonka tobanka Muxarram ajarka laga helo
Soonka tobanka Muxarram ajarka laga helo
Soonka sunada guud ahaan waa camal aad u wanaagsan waana la soomi karaa waqti kaste maalmaha la reebay mooyee, wuxuuna aad u waangasan yahay maalmaha diinta ay sheegtay inuu fadli badan yahay, waxaa ka mid ah bilaha xurmaysan, bisha Rajab iyo muxaram iyo dulqicda iyo dulxija.

Bisha Muaxarram waa bisha koowaad ee sannadka hijriyada waxay ka mid tahay bilaha xurmadda leh, waxaa fiican in soonka la badsado guud ahaan, wuxuu yiri rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:
(أَفْضَلُ الصَّلاَةِ بَعْدَ الصَّلاَةِ الْمَكْتُوبَةِ الصَّلاَةُ فِي جَوْفِ اللَّيْلِ ، وَأَفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ شَهْرِ رَمَضَانَ صِيَامُ شَهْرِ اللَّهِ الْمُحَرَّمِ)
(Salaadda ugu fadli badan salaadda faradka kaddib waa salaadda habeenka gudihiisa, soonkana waxaa ugu fadli badan Ramadaan kaddib in la soomo bisha Alle ee Muaxarram), gaar ahaan soonka maalinta tobonaad, wuxuu yiri rasuulka:
(صِيَامُ يَوْمِ عَاشُورَاءَ، أَحْتَسِبُ عَلَى اللّهِ أَنْ يُكَفِّرَ السَّنةَ الَّتِي قَبْلَهُ)
(Soonka maalinta tobonaad waxaan rajeynayaa in Ilaahay ku dhaafayo sannadka ka horreeyay)
Markuu nabiga yimid Madiina wuxuu arkay yahuudda oo sooman maalinta tobonaad wuxuu yiri: (waa maxay kan?) waxay dhaheen: waa maalin wanaagsan waa maalinta Ilaahay ka badbaadiyay banii israa’iil cadowgooda, nabi Muusena wuu soomay, wuxuu yiri: (anaa idinkaga xaqnimo badan Muuse), wuu soomay wuxuuna amray in la soomo, wuxuu yiri Ibnu cabbaas -Ilaahay raalli haka noqdee -: markuu soomay rasuulka maalinta tobonaad oo uu amray in la soomo waxay dhaheen rasuulkii Allow waa maalin ay weyneeyaan yuhuudda iyo kirishtaanka, wuxuu yiri rasuulka: (sannadka soo socda marka la gaaro – haddii Alle idmo – waxaan soomeynaa maalinta sagaalaad) oo macnaheeda ah sagaalka ayaan la soomeynaa tobanka, waxaa sunnada ah in la soomo tobanka muxarram, waxaa habboon in sagaalka lala soomo.
soonka tabanka muxaram waa hal maalin waad arkaysaa ajarka laga helo waajib ma aha waa sunno, taas waxaa laga wadaa haddaadan soomin laguuma ciqaabayo, laakin qofka muslinka waa inuu ka faa;iseystaa illeen danbiyada yaryar aad sameysay sanadka lasoo dhaafaoo oo dhan waa laga cafinayaa.
Guud ahaan bilaha xurmada soonkooda xadiis ayaa kusoo arooray, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):
(صُمْ مِنَ الحُرُمِ وَاتْرُكْ، صُمْ مِنَ الحرُم وَاترُكْ، صُمْ مِنَ الحرُمِ وَاتْرُكُ).
(Bilaha xurmaysan maalin ka soon maalinna ka tag, bilaha xurmaysan maalin ka soon maalinna ka tag, bilaha xurmaysan maalin ka soon maalinna ka tag)
Sunnah fasting is generally a very good deed and can be done at any time except on forbidden days, and it is especially good on days that religion says are very virtuous, including the sacred months, the months of Rajab and Muharram, and the months of Dhul-Qi’d and Dhul-Hijjah.
When the Prophet came to Medina, he saw the Jews fasting on the tenth day. He said: (What is this?) They said: It is a good day, it is the day on which Allah saved the Children of Israel from their enemy. Prophet Moses fasted, and he said: (I am more righteous than you, Moses), and he fasted and commanded to fast. Ibn Abbas – may Allah be pleased with him – said: When the Messenger of Allah fasted on the tenth day and commanded to fast, the Messenger of Allah said: O Allah, it is a day that the Jews and Christians will be honored. The Messenger of Allah said: (When the coming year comes – if Allah wills – we will fast on the ninth day) meaning we will fast the ninth day. It is the Sunnah to fast the ten days of Muharram, and it is advisable to fast the ninth day.