Soon badan ayaa laygu leeyahay seen u gudaa

Su’aasha:

ASC waxaan mudo kuwalfay siigada waxaan xasuustaa inan soon ku jibiyay ila shan maalmood oon Dib ka xasuustay ayan soomay lakin hada waxaan kashaki sababay inan maalinkasta ayan Soonka ku binayay sababto ah malin kasta wa sameyn jiray marka waxay aheyd 2014-2017 Afar soon marki la iskudaro wa 120 malmood mana awooda intaaso dan talo ayan u bahanahay mahadsanidiin.

Soon badan ayaa laygu leeyahay seen u gudaa
Soon badan ayaa laygu leeyahay seen u gudaa

Jawaabta:

Walaal haddii soon lagugu leeyahay waa inaad soo guddaa, xataa aayar aayar usoo gud, waliba kafaaro ayaa lagaa rabaa haddaad awooddo, mana laga yaabo inay kaa dhacaan maalmahaas haddii dhib weyn kugu dhoco mooyee, maalmahaas si qalad ayaad ku jabisay soonka, waxaad samayn kartaa inaad soonto isniin iyo khamiis iyo sedexda maalmood loo yaqaano ayaamu albiid, sidaas ayaad ku gudi kartaa waqtiba ha kugu qaadatee, teeda kale ku dadaal cabsida Alle, maxaayeelay qof soonkiisa siigio ku jawabinaya caadi ma aha.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More