Sixirka dhulka lagu aaso siduu jirka u xanuujiyo iyo daawada

Magic buried in the ground and its impact on pain

Sixirka dhulka lagu aaso siduu jirka u xanuujiyo iyo daawada

Sixirka waa wax jira oo lagu sheegay Quraanka, waxaana loo adeegsadaa shayaadiinta, sixirka inta badanna waa lagu gaaloobaa, oo nooca shikiga la xiriira, diinta islaamka way xarrimtay in sixirka la barto iyo in lagu dhaqmo, sidoo kale in loo tago sixirowga.

Sixirka dhulka lagu aaso siduu jirka u xanuujiyo iyo daawada
Sixirka dhulka lagu aaso siduu jirka u xanuujiyo iyo daawada

Sixirka wuxuu leeyahay qaabab badan waxaa ugu daran sixirka xanuunka jirka, sixirkaas oo ah mid qofka jirkiisa xanuun lagu ridayo, qofkana ma garan karo sababka keenaya xanuunkaas, xitaa haddii uu u tago dhakhatar oo la baaro laguma arkayo wax sabab ah oo xanuunkaas keenaya.

marka sixirkaas waxaa loo adeegsadaa waxyaalaha xayawaanaadka laga keeno sida lafaha oo kale, ama maqaarka, tusaale ahaan lafta ayaa lagu qorayaa waxyaalaha sixirka lagu akhriyo, markaas meel ayaa lagu aasayaa, laftaas markastoo ay engegto qofka xanuunkiisa wuu kordhayaa.

Kan sixirka sameeya inta badan wuxuu adeegsadaa qofka la sixri rabo qof u dhow si looga soo qaado wax la xiriira jirka qofka sida timaha ama dhididka ama dhiigga ama candhuufta ama kaadida ama manida, markaas ayaa loo adeegsanayaa in laysku xiro sixirka iyo qofkaas waxa laga soo qaaday jirkiisa.

Sida ugu fiican laysaga reebo sixirka

Waxaa ugu fiican qofka inuu laasimo Quraanka iyo digriga Ilaahay, sidoo kale inuu mar kaste dahaarada qabo, sidoo kale inuu iska ilaaliyo dadka laga yaabo inay sixir u sameeyaan, inuusan dhexgalin.

Dadka hilibka gada oo Ilaahay ka baqa way jabiyaan lafta garabka xayawaanka si aan loo adeegsanin, kuwa xunna lacag badan ayaa lagaga gataa.

Astaamaha sixirka lagu garto waa xanuun ama jahwareer aan la garanaynin meesha uu ka socdo, qofka oo aan wax u tooseynin ama talada ay ka xun tahay, ama murug iyo walwal, ama inuu naco wixii wax u taraya sida shaqo ama waxbarasho, sidoo kale sixirka laysku dirayo dadka is jecel sida walaalaha oo kale ama wiil iyo waalidkiisa ama nin iyo xaaskiisa, sidoo kale waxaa jira sixirka galmada ama dhalmada, wuxuu leeyahay qaabab badan, marka daawada sixirkana waa Quraanka iyo xuska Ilaahay.

Subax kaste iyo habeen kaste aayadahan akhriso:

• سورة الإخلاص: بِسْمِ اللّهِ الرّحْمنِ الرّحِيم.. «قُلْ هُوَ اللّهُ أَحَدٌ * اللّهُ الصّمَدُ * لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ * وَلَمْ يَكُنْ لّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ».
• سورة الفلق: بِسْمِ اللّهِ الرّحْمنِ الرّحِيم.. «قُلْ أَعُوذُ بِرَبّ الْفَلَقِ * مِن شَرّ مَا خَلَقَ * وَمِن شَرّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ * وَمِن شَرّ النّفّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ * وَمِن شَرّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ».
• سورة الناس: بِسْمِ اللّهِ الرّحْمنِ الرّحِيم.. «قُلْ أَعُوذُ بِرَبّ النّاسِ * مَلِكِ النّاسِ * إِلَهِ النّاسِ * مِن شَرّ الْوَسْوَاسِ الْخَنّاسِ * الّذِى يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النّاسِ* مِنَ الْجِنّةِ وَالنّاسِ».
• سورة الفاتحة: « بِسْمِ اللّهِ الرّحْمنِ الرّحِيم. الْحَمْدُ للّهِ رَبّ الْعَالَمِينَ * الرّحْمنِ الرّحِيمِ * مَلِكِ يَوْمِ الدّينِ * إِيّاكَ نَعْبُدُ وإِيّاكَ نَسْتَعِينُ * اهْدِنَا الصّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ * صِرَاطَ الّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِم وَلاَ الضّآلّينَ ».

 

Astaamaha sixirka lagu garto

 

Sixirka sidee lagu gartaa iyo qofka in la sixray
Sixirka sidee lagu gartaa iyo qofka in la sixray

 

Sixirka dhulka lagu duugo wuxuu ka mid yahay sixirada ugu adag waayo lama ogaan karo meesha uu ku jiro.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More