Sixirka dhalmada Reebo toos u arag siduu yahay

Hay’adda amarka macruufka iyo reebidda munkarka dalka Sacuudiga oo sheegtay inay burisay sixir loo sameeyay labo qof isqaba si aysan caruur u dhalay.
saxir lagu helay meel sacuudiga ka mid ahJoornaalka lagu magacaabo Sabaq oo dalka Sacuudiga kasoo baxo ayaa wuxuu sheegay in Hay’adda qof soo gaarsiiyay boombalo oo ay caruurta ku cayaaraan oo qofol lagaga xiray meesha xubinta taranka, marka la eegay waxaa caddaatay inuu yahay sixir oo ilmaha qofka lagaga reebayo.
Sixirkaas waxaa loo bixiyay Foodo, waxaa ku dhexjiray timo iyo biimaman iyo quful maar ah, waxaa ku qornaa ninka iyo naagtiisa in laga joojiyo dhalmada iyo inay dhib iyo dagaal aysan ka bixin sixirka dhalmada iyo midka guurka iyo kan galmada iyo midka jacaylka ayaa ugu caansan sixirada aadka loo adeegsado, dowladaha waxaa la sheegay inay ku soo bateen sixirada noocaas ah.

Sixirka waa waxa aad loo faafiyo hadda, dad badan ayaa arrimahaas ka shaqeeya, sixirka waagii hore waxaa aad u adeegsan jiray yahuuda, iyagaana ka dambeeyay faafinta tafaafulka ama falka.

Diinta islaamka si xoog ayay ula dagaallantay sameyska sixirka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More