Site icon Daruur درور

Sigis qofkii fiirsado cudur muu ka qaadaa

Sigis qofkii fiirsado cudur muu ka qaadaa

Su’aasha:

Walal qofka dhalin yarada ah mararka qaar wuxuu ku dhacaa inuu dawado filin sigis waxa dhici karto waqti badan inu dawado waxan maqlay filika sigiska cudur ama jiro ayuu u kena dadka, marka taas ma iga jahil bixin kartaan?

Sigis qofkii fiirsado cudur muu ka qaadaa
Sigis qofkii fiirsado cudur muu ka qaadaa

Jawaabta:

Daawashada filimada galmada ama magaca aad u bixisay oo ay soomaalida qaar ku magacaabaan sigis oo ah erey afka English laga soo qaatay “sex” waxaa laga wadaa galmada, wuxuu noqon karaa nocaa nin iyo naag ama lab iyo dhedig, filimada galmada waxay muujiyaan isutagga ragga iyo dumarka.

Waxaan shaki ku jirin inay keenaan jirrooyin badan xagga galmada lug ku leh ragga ayay daciifiyaan, qofka marka uu u barto inuu filin sigis daawado sidaas ku raaxaysto wuxuu noqonayaa qof aan kacsan karin ilaa uu filinka ka daawado, taas waxay ku abuuraysaa naftiisa liidnaan.

Teeda kale filimada sigiska waxa lagusoo bandhigo ma aha wax sax ah waa filin la jilayo lacag lagu raadinayo, qofka marka uu fiirsado wuxuu yasayaa naftiisa wuxuu u qaadanayaa inuusan sidaas oo kale samayn karin.

Rag badan ayaa ku furay filimada noocaas ah xaasaskooda, waayo naagaha filimada noocaas jila waa naago dhilooyin loogu talaggalay inay jilaan filimadaas waxaa laga dhigayaa inay raaxo daran dareemayaan way qayliyaan aad bay u jilaan waa sida filimada caadiga ah oo qof kaste atoore ah uu jilo wixii la dhahay jil, taas waxaa loogu talaggalay in lagu faafiyo fasahaadka qaylada iyo oohinta iyo cabaadka naagta ay samaynayo waa been.

Taas waxaa kuu sii dheer marka dhalinyarada ay daawadaan filin sigis ah waxay raadiyaan naag ay la sinaystaan waxaa laga yaabaa inuu qofka sinada ku dhaco taasna waxaa sabab u ah filinka, naftiisa ayuu ku abuuraa xumaanta, teeda kale waswaas ayaa laga qaadaa marka shaki kama taagna qofka inuu caafimaadkiisa dhibaato u keenayo filinkaas.

Waxaas oo dhan waxaa ka horreeya dambiga lagala kulmo, waayo waxaad ogaataa inaad fiirsato filinka galmada waa dambi marka waxaa lagaa rabaa inaad ka towbad keento iska ilaali, waligaa kaligaaga ha noqonin waayo shaydaanka qofka raga marka uu kaligisa yahay wuxuu isku dayaa inuu xumaan u jiido, daraasooyin badan waxaa lagu ogaaday raga badankooda siigada waxa u jiido waa kalinimada, nimanka kaligooda seexda way ka siigo badan yihiin raga dad kale la seexda.

Daawashada filimada glmada waxa ay keenaan
Daawashada filimada glmada waxa ay keenaan

Marka iska jir inaad kali meel ku noqoto, musqushana  haku soo daahin, hadda moobeelada waxay dadka u fududeeyeen inay filinka xun meel la galaan oo ay ku daawadaan, ilmaha yaryar ayaaba sheekadaas bilaabay, waalidiinta waxaa laga rabaa inay koontaroolaan caruurta ay dhaleen, ma aha in ilmaha loo fasaxo moobeel iyagoon la koontaroolin.

Filimada xun qaabkeen isaga reebi karaa talo i siiya

Wuxuu yiri Alle asoo xarrimaya sinada:

{وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا}

(Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane waddana u xune)

sidoo kale nabiga wuxuu xarrimay qadfiga (cayda) hablaha dhowrasan wuxuuna ku tiriyay dambiyada waaweyn wuxuu yiri:

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaalaha bulshada fasahaadiya muslinka in la caayo ama lala diriro.

(اجْتَنِبُوا السَّبْعَ الْمُوبِقَاتِ) ، قيل : يا رسول الله ، وما هنّ؟ قال : (… وَقَذْفُ الْمُحْصَنَاتِ الْغَافِلاَتِ الْمُؤْمِنَاتِ….)

(Ka fogaada toddobada wax halaagta waxay ku dhaheen  rasuulkii allow maxay yihiin? wuxuu yiri (…. in la qadfo hablaha dhowrasan barina ah oo iimaanka leh…),

قُل لِّلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَزْكَىٰ لَهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ (30)

وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ۖ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَىٰ عَوْرَاتِ النِّسَاءِ ۖ وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ ۚ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ     

(Waxaad ku Dhahdaa Mu’miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka Dhawreen Furuujtooda (Zinada) saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay Sameyn. *

Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu’minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod, iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan Lahayn (Hawood u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad keena (U Noqda) Xagga Eebe Dhammaan Mu’miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane.)

Qofka daawanaya filimada zinada ama xumaanta maskaxdiisa kama baxdo xumaantaas riyo ayuu galayaa mar kaste wuxuu ku riyoonayaa

dumar qaaqaawan iyo farjiga haweenka iyo rag iyo dumar is fuulaya.

Riyada Zinada halkan ka daawo waxa lagu fasiro

Exit mobile version