Sidee xiiso loogu yeeli karaa xiriirka jacayl markuu bilowgu uu yahay lamaanaha?

Su’aash:

Asc waaku salaamay sxb inkastoo aan jeclaan lahaa inaan si gaar kuula saaxiibo hadana waxaan rabaa inaad ila taliso isla mar dhexdaas waxaan kuu sheegay in gabadhii aan riyada ku arkaayey maalin ka dib aan jacayl isku bandhigno ka dibna aan isu sheegano wixii uurkeena ku jiray hadana sidee jacaylkayga cusub aan uga dhigan karaa mid i xiiso galinaya qofteydana xiiso ku beeraya sidaas ay tahayna gabadhu waan kala fognahay oo laba magaalo ayaan kala joognaa sidaas ay tahayna waxaan rabaa inuu jacaylkeenu noqdo mid miro dhal ah, maxaan sameyn karaa oo wanaagsan.

Sidee xiiso loogu yeeli karaa xiriirka jacayl markuu bilowgu uu yahay lamaanaha?
Sidee xiiso loogu yeeli karaa xiriirka jacayl markuu bilowgu uu yahay lamaanaha?

Jawaabta:

Saaxiib waan kaa qaaday salaanta inshaa Allaah haddii Alle qadaro si gaar waan u xiriiri doonnaa.

Marka hore waxaad ku dadaashaa inaad ku dhisto guriga mustaqbalka daacada Alle iyo inaad gabadha u tixgaliso sida walaashaada aad u tixgalinayso iyo inaadan been u sheegin iyo inaad u aragto inay amaano kugu tahay.

Waxaa kaloo aad samaynaysaa inaad u caqli celiso waligaaga inaadan yasin  macallin u noqo oo ay ku dayan karto.

Waxaadna ku dadaashaa si aad ku guursan lahayd si dhaqsi ah, shukaansiga marka uu dheeraado dhibkiisuu leeyahay.

Runta iyo daacadnimada wax ka fiican waa la waayay, qofkii rabo inuu guri dhiso wuxuu ku dhisi karaa run iyo dacaadnimo.

Jacaylka dhabta ah wuxuu imaanayaa labada qof markay is guursadaan, kan guurka kahor waa ka helitaan ee ma aha jacayl dhab ah, laakin marka ninka uu guursado waxaa la rabaa jacaylka inuu sii kordho.

Dad badan waxaad arkaysaa guurka kahor maantoo dhan wuxuu ku jiraa gacalsiso, xabiibti, ruuxi, marka uu guursadana dumar kale ayuu hadalkaas ku oranayaa uma quurayo xaaskiisa hadalkaas, raga soomaaliyeed sidaas ayay u badan yihiin, adiga sidaas inaad noqoto iska ilaali.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More