Sidee layskaga joojiyaa daawashada kilibyada galmada

Sidee layskaga joojiyaa daawashada kilibyada galmada

Su’aasha:

Walaal, waxaan daawada muuqaalada qaawan ee wasmada, marka waxaan isku arkay hadaan iska joojiyo xitaa inay sidii qabatin cml ii qabaneyso oo aan dareemaayo kacsi saa’id xitaa aan cunada ugu go’aayo ilaa aan muuqaaladaas ka arko mooyee marka sideen nafteyda ugu joojin karaa muuqaaladaas.

Sidee layskaga joojiyaa daawashada kilibyada galmada
Sidee layskaga joojiyaa daawashada kilibyada galmada

Sidee layskaga joojiyaa daawashada kilibyada galmada

Jawaabta:

Daawashada galmada waa musiibo aad ugu faaftay baraha buslahada ama internetka guud ahaan, dad badan ayaa lagu ibtileeyay musiibadaas, marka hore qofka arrintaas ku dhaco waa inuu ka towbad keenaa dambigaas uu galay.

Teeda kale qofka marka uu sii raaraaco waxay ku noqonayaan balwad uuna ka tagi karin wayna ku adkaanaysaa inuu joojiyo.

Dhibaatooyinka daawashada filimada galmada aad bay u badan yihiin, waxaa ugu muhimsan walwal iyo cabsi iyo feker sidoo kale qofka wuxuu nacaa galmada xaaska dabiiciga ah.

Waayo filimada noocaas ah waxay ku dhisan yihiin been iyo khuraafaad, ninka wuxuu raadinayaa naag sidaas oo kale ah.

Immisa ningurigooda sidaas ku dumiyay sidoo kale dumar badan ayaa ragooda sidaas ku nacay markay arkeen filimada raga waxay ku sameeyaan.

Qofka lagu ibtileeyay waa inuu Alle baryaa mar kaste wayso waa inuu ku dadaalaa, marka naftiisa ay dareento rabitaanka daawashada waa inuu soo xusuustaa dhibaatooyinka uu ka heli karo marka uu filinka daawado, waa inuu isku mashquuliyaa waxyaalo maskaxda mashquulin kara oo wanaagsan.

waana inuu iska ilaaliyaa inuu kaligiisa mee joogo, waayo marka aad dad ku dhex jirto nafta iyo shaydaanka awooddooda way ka yar tahay marka aad kaligaaga tahay.

Marka waa sino galmadaas aad daawanayso ka towbad keen kana fogow, Alle wuxuu yiri:

(وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَىٰ ۖ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا)

(Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane Waddana u xune)

Raadraac

 

Saaka Ayan film xun daawaday markaan hurday biyahaa iga baxay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More