Sida ugu fudud timaha dabada loogu xiiro kareemka Hair removal cream
Sida ugu fudud timaha dabada loogu xiiro kareemka Hair removal cream
Su’aasha:
Asc markaan xiiri rabo timaha hoos iigaga baxa( shuunka) waxaa dhib igu ah kuwa gadaal yacnii kuwa futada kasoo baxa oo dhib igu yihiin inaan xiiro, sideen ku xiiri karaa ma jirtaa farsamo lagu xiiri karo ?
Jawaabta:
Timaha gumaarka kasoo baxo oo shuunka loo yaqaano waa qofka inuu iska xiiraa ama iska jaraa, kuwa dabada ayaana kaga sii habboon in la xiiro maxaayeelay qofka nadaafaddiisa iyo dahaaradiisa ayay kaalin weyn ka cayaartaa xiiridda.
Laakin qofka aad bay ugu adag tahay inuu iska xiiro timaha gadaal waxaa dhici karta inuu sakiinta isku saro ama inuu si daran isu dhaawaco, qofka wuxuu ku xiiri karaa bomaatada timaha lagu xiiro (Hair removal cream) waxaana laga helaa farmashiyaha, bomaatadaas meesha timaha leh ayaa la marinayaa dhowr daqiiqo kaddib timaha meesha ay kasoo hoobanayaan, bomaatada timaha lagu xiiro noocyo badan ayay leedahay weyddii meelaha daawada lagu gado, xataa timaha kilkilaha ayaa lagu nadiifiyaa.