Sida looga baxo nolosha ciriiriga ah

Su’aasha:

Asc wllo waxan ku weydiinaya sidee looga bixi kara Noolasha cariiriga.

Sida looga baxo nolosha ciriiriga ah
Sida looga baxo nolosha ciriiriga ah

Jawaabta:

Nolosha ciriiriga waxay noqon kartaa mid macne ah iyo mid la taaban karo.

Nolosha la taaban karo waa qofka inuu waayo wax uu ku noolaado lacag la’aan iyo rafaad adduun.

Midda macnaha ahna waa qofka inuu qalbi ahaan ciriiri u dareemo asoo haysta hanti iyo maal adduunba.

Labada waxaa lagaga bixi karaa inuu qofka Ilaahay ku xirmo oo noloshiisa uu nidaamiyo oo uu ku dadaalo inuu shaqaysto kana fogaado wax kaste u keenaya noloshiisa inay ciriiri  gasho, inta badan qofka wuxuu ciriir dareemaa marka uu qaladaad badan galo damiirkiisa ayaa la dagaallamaya.

Qofka waxaa laga rabaa inuu qabsado kitaabka Alle oo uu badiyo xuska Alle wuxuu yiri Alle:

(وَمَنْ أَعْرَضَ عَن ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنكًا وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَىٰ )

(ruuxisa ka jeedsada xuskeyga (Quraanka) waxaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo kulminaynaa maalinta qiyaame isagoo arag La’.) rd

wuxuu kaloo yiri Alle:

(الَّذِينَ آمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ اللَّـهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ اللَّـهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ)

(Ee ah kuwa rumeeyey Xaqa kuna xasishay Quluubtoodu xuska Eebe, xuska Eebayna ku xasishaa Quluubtu)  rd

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More