Site icon Daruur درور

Sida loo idan qaato iyo diinta waxay ka qabto

Qofka uma bannaana inuu galo meel dad iska leeyihiin asoon idan warsanin haddaysan meesha ahayn meel dadka oo dhan loogu talagalay inay idan la’aan galaan.

Aayadda Quraan ee idan warsashada
Aayadda Quraan ee idan warsashada

Diinta islaamka way reebtay in la galo guryaha dadka ama qof in loogu galo qol hadduu ku jiro asoon idan laga dalbanin.

Taas oo dhan waxay tilmaamaysaa sida diinta ay bulshada u hagaajinayo.

Alle wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَدْخُلُوا بُيُوتاً غَيْرَ بُيُوتِكُمْ حَتَّى تَسْتَأْنِسُوا وَتُسَلِّمُوا عَلَى أَهْلِهَا ذلِكُمْ خَيْرٌ لَكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ)

(Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha galina guryo aan kuwiinna ahayn Intaad ka idan warsataan kana salaantaan Ehelkooda, saasaana idiin khayr roon si aad u xusuusataan)

Sidee loo idan qaataa?

Nabiga wuxuu na baray idan warsashada iyo aadaabta la xiriirta, waxaa ka mid ah qofka idanka weyddiisanaya inuu salaan ku bilaabo magaciisana sheego, nin ayaa nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – idan weyddiistay asoo guri ku jiro wuxuu yiri: masoo galaa? wuxuu ku yiri rasuulka khaadimkisa:

(اخْرُجْ إِلَى هَذَا ، فَعَلِّمهُ الاسْتِئذَانَ ، فَقُلْ لَهُ : قُل: السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ، أأدْخُل؟)، فَسَمِعَهُ الرَّجُلُ، فَقَالَ : السَّلامُ عَلَيْكُمْ ، أَأَدْخُل؟ فَأذِنَ لَهُ النَّبيُّ (صلى الله عليه وسلم) ، فدخلَ)

(u tagn kan soo bar idan warsashada kuna dheh: dheh: Salaam Caleykum masoo gali karaa?, ninkii ayaa maqlay wuxuu yiri: Salaam Caleykum masoo gali karaa?, nabiga wuu u idmay, marka wuu soo galay) .

Qofka marka uu guri tago oo lagu yiraahdo waa kuma ama waa tuma? ma aha inuu yiraahdo aniga waa inuu sheegaa magaciisa.  Xadiis ayaa kusoo arooray taas:

وعن جابر (رضي الله عنه) ، قَالَ : أتَيْتُ النبيَّ (صلى الله عليه وسلم) ، فَدَقَقْتُ البَابَ ، فَقَالَ : (مَنْ هَذَا؟) ، فَقُلتُ : أَنَا ، فَقَالَ : (أنَا ، أنَا !) ، كَأنَّهُ كَرِهَهَا.

Jaabir waxaa laga wariyay inuu yiri: nabiga ayaan u imid waxaanna garaacay albaabka wuxuu yiri: (waa kuma) waxaan iri: aniga, wuxuu yiri: (aniga aniga!)  asoo dhibsaday oo kale.

Exit mobile version