Run ahaantii qof walba dunida ku nool wuxuu u orddaa mustaqbal fiican inuu gaaro.
Mustaqbalka fiican waxaa loola jeedaa qofka inuu helo nolol wanaagsan adduun iyo aakhiraba, iyo dadka inay jeclaadaan iyo inuu helo lamaane fiican oo nolosha ka caawiyo. Sidoo kale adduunyada inuu Alle ugu caabudo sida laga rabay.

Sedexda waxyaalood lagu gaaro mustaqbalka fiican iyo jacaylka dadka
Sedexda waxyaalood lagu gaaro mustaqbalka fiican iyo jacaylka dadka

Taas waxay qofka siinaysaa xasillooni iyo degganaan intuu dunida joogo, aakhirana wuxuu ku helayaa jannada marka uu yahay qof muslin ah oo diinta islaamka ku dhintay.
Qofka lacag wuu heli karaa. asoo lacag leh wuxuu waayi karaa nolol raaxo leh, waayo ninka markuu qaado wadda xun wuxuu galayaa cabsi iyo walwal.
Marka halkan waxaan kuugu sheegayaa habka lagu gaari karo noloshaas qiimaha badan.
Waa seddex arrimood lagu heli karo taas aan kuu soo sheegay:
Kow. Marka hore noqo qof Ilaahay aaminsan oo muslin ah oo islaamka ku dhaqmayo, waayo iimaanka wuxuu kugu abuuraa inaad nolosha fahanto.
Nolosha guud ahaan waxay u baahan tahay dadaal iyo adkaysi, taasna waxaa lagu helaa iimaan iyo sabar.
Labo. Inaad wax barato, maxaayeelay waxbarashada wax badan ayay kuu fududeynaysaa, waxay kuu keenaysaa dadka inay kaa dambeeyaan, sidoo kale in lagu qiimeeyo, inaad hesho shaqo oo aad ku noolaato oo aad dadka kaga maaranto.
Qofka jaahilka oo aan waxbaranin wuxuu bulshada ka yahay qof la riixo oo la liido, waxaa laga yaabaa inuu waayo shaqo fiican, shaqooyinka dadkaas ay ka shaqeeyaan waa kuwa xamaalinimda ah, waqti badan asoo shaqaynayo haddana ma heli karo lacag ku filan, qofkaas sidoo kale bulshada laguma qiimeeyo. waxaa loo arkaa inuu liito.
Seddex. lamaane wanaagsan oo ku jecel, haddaad nin tahay waxaad u baahan tahay gabar ku fahmi karto, haddaan gabar tahayna waxaad u baahan tahay nin ku fahmi karo.
Waayo marka aad qoys fiican samaysato waxaad noqonaysaa qof sharaf leh oo asturan, ma noqonaysid ragga ama dumarka nolosha ka dhacay.
Waxaa la dhahaa qofka doobka iyo shayddaan waa ilma adeer.
Marka taas waxay kuu keenaysaa qaladaad inaad gasho.
Marka nolosha qoyska ay kuu toosto waxaad helaysaa nolol raaxo iyo farxad leh.
Goorta seddexdaas aad isku hesho bulshada aad ayay kuu jeclaanaysaa, waana lagu ixtaraamayaa.
Seddexdaan way isku xiran yihiin, waa arrimo muhiim u ah qofka rabo inuu mustaqbalka gaaro meel sare.
Dadka sababta ay kuu jecalaanayaan waa ka fogaanshaha aad ka fog tahay inaad u baahato, waayo aqoon baad leedahay, guri fiican baad leedahay, xaas wanaagsan baad qabtaa, taas waxay kaa dhigaysaa boqor, marka dadka si sharaf leh ayay kuu arkayaan.
Gabadhana waa sidaas markay leedahay nin fiican. Dumarka kale way ixtiraamaan.
Waxaan filayaa inay fududdahay arrintan inaad gaarto, kaliya waxaa lagaa rabaa go’aan adag inaad qaadato, sidoo kale adkaysi ayaa lagaa rabaa, qofka sabra ayaa dantiisa gaara.

Qofka siduu ku gaari karaa mustaqbal heer sare ah

In fact, everyone in the world runs to achieve a good future.
A good future means that a person has a good life in this world and the hereafter, and that people love him and that he finds a good partner to help him in life. Also, in this world, he worships Allah as he should.
This gives a person peace and tranquility while he is in this world, and in the hereafter, he finds it in heaven when he is a Muslim who dies in the Islamic religion.
A person can earn money. But having money can lose a comfortable life, because when a person takes a bad path, he enters fear and anxiety.
So here I tell you the way to achieve that valuable life.
There are three things to achieve that which I have mentioned to you:
First. First, become a person who believes in God and is a Muslim who practices Islam, because faith creates in you to understand life.
Life in general requires effort and perseverance, and this is achieved through faith and patience.
Two. To learn, because education makes things a lot easier for you, it makes people follow you, and also to be valued, to find a job to live and to be able to get ahead of people.
An ignorant person who is not educated is a person who is pushed and weak in society, he may not be able to find a good job, the jobs that these people work in are porters, he works a lot of time but he cannot get enough money, that person is also not valued in society. He is considered weak.
Three. A good partner who loves you, if you are a man, you need a girl who can understand you, and if you are a girl, you need a man who can understand you.
Because when you create a good family, you become a person of honor and privacy, you do not become a man or a woman who has fallen in life.
It is said that a single person and the devil are cousins.
So that causes you to make mistakes.
When family life is right for you, you will find a comfortable and happy life.
When you have these three, society loves you very much, and you are respected.
These three are interconnected, they are important factors for a person who wants to reach a high position in the future.
The reason people love you is because you are far from needing them, because you are educated, have a good house, have a good wife, that makes you a king, so people see you with honor.
And a girl is the same when she has a good husband. Other women respect her.
I think it is easy to achieve this, you just need to make a strong decision, and you also need to be patient, a patient person benefits himself.

Leave a Reply