Sawiro cusub biyaha Baladweyne

Pictures of floods in Balweyne province

Magaalada Baladweyne ilaa iyo hadda waxaa ka jira fatahaad badan oo aan lasoo koobi karin.

Dowladda Soomaali wax bay ka qaban la’dahay, taas oo ay keenayso in dowladda inaysan tabar u haynin maamulka dalka ay sheeganayso waayo madaxda badankooda meesha uma imaanin inay dad wax u qabtaan ee waxay usoo galeen siyaasada inay lacag iyo hanti ka sameeyaan.

Soomaali waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, nin kaste oo siyaasadda ku jira ujeeddadiisa oo dhan waa jeebkiisa iyo dhuuntiisa.

haddii meesha ay dowlad ka jiri lahayd arrimahan waa laga tashan lahaa. magaalada baladweyne mar kaste biyaha sidan ayay u galayaan.

dhibkan hadduu ahaan lahaa hal mar waxaaba la dhihi lahaa waa wax iska caadi ah, laakin sanad kaste in shacabka Baladweyne ku nool dhibkan ay galaan qaarna ay ku waayaan naftooda qaarna ay ku waayaan guryahooda waa arrin laga murgo oo u baahan in wa weyn laga qabto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More