Site icon Daruur درور

Saaxiibka khiyaanada badan sidee lagu gartaa

Su’aasha:

Nin ayaa jira saxibo aan nahay, wuxuu igu sameyay arin yaab badan, wuxuu iga qarin rabay baasaboorkayga sidii ley tarxiili lahaa, aniga waxaa ii sheegay mid isaga ku siraystay sheekada ninkaas oo saaxibka aan ahayn waxan u haystay saaxib lilaali ah marka maxaa talo aad iga siin kartaan ninkaas.

Saaxiibka khiyaanada badan sidee lagu gartaa
Saaxiibka khiyaanada badan sidee lagu gartaa

Jawaabta:

Waxaa laga yaabaa ninka arrinkaas kuu sheegay inuu been sheegayo, adoon wax hubsanin qof laguma qabsado waxaa dhici karta inaad ku xadgudubto saaxiibkaaga asoo bari ka ah arrintaas.

ninka kuu sheegay waxaa laga yaabaa inuu rado labadiina inaad isku dhacdaan oo aad is dagaashaan, marka iska jir, Alle wuxuu yiri:

 

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا أَن تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَىٰ مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ)

Kuwa xaqa rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen.

waxaad ku garan kartaa saaxiibka khiyaanada badan dhaqankiisa guud ahaan, astaamo badan ayaa jira ku tusaya inuu xaasid yahay, haddii sheekadaas ay dhacday oo ay run tahay waxaa kugu habboon adoon dulminin ninka saaxiibkaaga ahaan jiray inaad iska nabadgaliso oo aadan siinin kalsoonidii hore idinka dhexaysay, sheekada haku ekaato walaaltinnimada islaamka.

Exit mobile version