RW Khayre oo Cadaado wax yaab leh kula kulmay

Somali Prime Minister Visits Engineers Producing Aircraft and Car

RW Khayre oo Cadaado wax yaab leh kula kulmay

RW Xasan Cali Khayre oo booqday dadka sameeyay gaari iyo dayuurad iyo waxyaalo kale, ghoobtaasna waa magaalada Cadaado.

RW Khayre oo Cadaado wax yaab leh kula kulmay
RW Khayre oo Cadaado wax yaab leh kula kulmay

Soomaali waa dad hal abuur leh waxaa laga helaa dad badan oo wax soo saari kara.
soomaalida haddii ay waa hore midoobi laahaayeen maanta waxay sameyn lahaayeen hubkooda iyo daawadooda iyo gawaaridooda.
tusaale ahaan marka aan soo qaado kacdoonka Iran ee dhacay 1979 wuxuu ka dhigay dowladda hadda ka jirto dalka Iran mid soo saareyso hubkeeda iyo wax kastoo ay u baahan tahay maanta tartan ayay kula jiraan reer galbeedka.
gantaallada ay sameysay waxaa lagu tiriyaa kuwa aad halis u ah.

carabta marka aad eegto iyagoo lacag badan haysta haddana ma sameyn karaan hubkooda waxay kasoo iibsadaan dibadda

soomaali xornimada waxay qaadatay 1960 haddii koonfur iyo waqooyi maanta ay hal ahaan lahaayeen oo laga tagi lahaa qabyaalad wax kaste annaga ayaa sameysan lahayn.

Gumeysiga Ingiriiska markuu arkay dadka soomaaliyeed oo sancada ku dheereeya waxuu ku diray bulshada si loo takooro dadka loo yaqaano Tumaal ama midgaan waa dad xirfad iyo sanco aad u yaqaano, Illeen waxay ka baqeen hormarka ay u keenayaan dalkooda markaas ayay ku direen bulshada oo jaahilka ah. waana la takooray waana la dulmiyay shaqadoodana waa la yasay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More