Site icon Daruur درور

Ruuxaanta ama heer aakharaadka wax jira ma yihiin

Su’aasha:

Waxaan maqalnaa oo mararka qaarkood aflaamta hindiga aan ku daawanaa iyadoo la leeyahay filim ka sheekeynaayo qof dhintay hadana isagoo reer aakharaad ah, dadka dilaayo.

Marka waxaan ku wareeray in ayihiin wax jira heer aaqaraadka iyo ruuxaanta la sheego arintaasna diintu maxay ka qabtaa?

Ruuxaanta ama heer aakharaadka wax jira ma yihiin
Ruuxaanta ama heer aakharaadka wax jira ma yihiin

Jawaabta:

Sharciga islaamka ma qabo waxaas, mana aha in la aamino qofka hadduu dhinti wuxuu aaday meel uuna kasoo bixi karin ilaa laga gaaro maalinta qiyaame.

Marka sheekada aad ka sheegayso filimada hindiga waa khuraafaadka hinduusta qaar musliliinta ka mid ah way ku sirmaan sheekooyinkaas.

Wax ruuxaani ama reer aakhiraad la yiraahdo oo dhimashada kasoo noqon kara ma jiraan.

Laakin shayaadiinta ayaa dadka u imaan kara iyagoo iska soo dhigaya wax nool oo kale xayawaan ama dad ama mas ama ey ama bisad.

Taasna qofka waxaa ku filan inuu quraanka akhristo.

laakin dadka dhintay marna masoo bixi karaan maalinta qiyaame maalin aan ahayn.

Wuxuu yiri Alle:

(حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَحَدَهُمُ الْمَوْتُ قَالَ رَبِّ ارْجِعُونِ * عَلِّي أَعْمَلُ صَالِحًا فِيمَا تَرَكْتُ ۚ كَلَّا ۚ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَائِلُهَا ۖ وَمِن وَرَائِهِم بَرْزَخٌ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ)

(Markuu u Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya.
* Waxaan u Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, (meel aan la gudbi karin) tan iyo Maalinta la Soo Bixin)

Tafsiirka Quraanka 

Exit mobile version