Riyada soo dhicitaanka iyo duulimaadka

Interpretation of the dream of falling and flying

Waxaa jira arrin aad ugu soo noqnoqota qofka taasoo ah riyada soo dhicitaanka iyo riyada duulimaadka.

Saan horay usoo sheegnay qofka marka uu riyo arko waa in la eegaa xaalkiisa siduu yahay hadduu yahay rag ama dumar ama qof doob ah ama qof xaas ah dhilinyar ama waayeel waxaasoo dhan fasiridda riyadab saameys ayuu ku yeelanayaa.

Riyada soo dhicitaanka iyo duulimaadka
Riyada soo dhicitaanka iyo duulimaadka

laakin astaanta riyada waa muhim marka lagu daro waxa aan soo sheegnay.

riyada soo dhicitaanka inta badan waxay tilmaamaysaa inuu qofka ku fashilmayo waxa uu qorshaynayo.

teeda kale waxay tilmaamaysaa inuu qofka meel halis ah la galayo lugaha siiba marka uu yahay xaalkiisa mid arrimo khatar ah ay ku dhow yihiin.

qofkii arko inuu ku dhacay ceel ama god wuxuu galayaa mushkilo weyn oo adag.

sidoo kale duulimaadka waa riyo macne badan yeelan karto.

qofka hadduu ku riyoodoo asoo duulay oo cirka galay waxaa dhici karta inuu dhinto siiba hadduu jirran yahay.

haddii duuliddiisa ay tahay mid balac ah asoo ku dul wareegaya magaalada waxay tilmaamaysaa riyadaas inuu noqonayo qof awood leh ama hanti badan leh oo dadka ka sarreynaya oo aad saameyn u leh.

qofkii arko soo shibnir oo kale u duulayo oo tagaya meesha uu rabo wuxuu noqonayaa qof safar badan.

sidoo kale hadduu ku riyoodo diyaarad asoo wato wuxuu noqonayaa qof safar badan.

riyada diyaarada waxay soo galaysaa riyada duulimaadka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More