Riyada qoraxda oo kasoo baxayso meesha ay u dhacdo

Su’aasha:

Asc wiil aan isku asxaab nahay ayaa ku riyooday qoraxda oo ka soo baxaysa xaga ay u dhacdo Oo qof uuna arkaynin uu dhawaaqayo kaaso leh Tawbadu way xiran tahy Maxa lagu fasiri kara ridaas Mahadsanidin.

Riyada qoraxda oo kasoo baxayso meesha ay u dhacdo
Riyada qoraxda oo kasoo baxayso meesha ay u dhacdo

Jawaabta:

Riyada wax weyn ayay tilmaamaysaa oo la xiriira nolosha qofka riyadaas arkay, marka hore waa digniin looga digayo inuu qofkaas ka haro dambiyada uu galayo, waxaa kaloo riyada ay tilmaamaysaa qof daalim ah inuu halaagsamayo sidoo kale isbadal weyn inuu ka dhici doono aduunka, waxaa kaloo ay riyada tilmaami kartaa qofkaas in la sixri doono, guud ahaan riyada qoraxda oo kasoo baxayso meesha ay u dhacdo riyo yar ma aha waa riyo wax weyn tilmaamaysa, qofkaas haku dadaalo towbada.

Sida la og yahay qoraxda inay kasoo baxdo meesha ay u dhaco waa caalmadaha qiyaamaha ugu waaweyn waxaana la xiraa albaabka towbada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More