Riyada qof lacag nasiib ku helayo

Su’aasha:

asc daruur team alle haidin sharfo.

Riyada waxaan ku arkay aniga io 2walalo nahay wiil iyo gabar ila dhasheen waxaan kujirnay qolkeena udambeya ee gudaha kadib walalka iga ween ayaa wuxuu noo sheegaa inuu nasibkiisa kusoo helay 2k dollar oo ciyaaro ayuu soo saadaaliyay sida 1xbet kadibna lacagtaas ayuu helay lacagta uudhigtay waxee aheed 30dollar kadib wuxu dhaha qof yaa loo sheegin macal hooyo yaa looshegin lacagtaan uu dhaha riyadas fisirkeeda maxee noqonee sidoo kale riyada dhexdeeda mar waxan ku arkay walalkee oo waji qofkale leh waa dareensahay inuu asi yahay hadana wajigisa actor wajigisa ayuu waliba atooraha shahid kapoor wajigiisa ayuu laha waa idinka sugaa jawaabta i.a

Riyada qof lacag nasiib ku helayo
Riyada qof lacag nasiib ku helayo

Jawaabta

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doontaan hanti ama wax kale qiimo badan waana si lama filaan ah, waxaad ku heli doontaan qaab sahlan, waliba walaakaaga wuxuu noqon doonaa qof magac leh oo dadka ay ka dambaynayaan, oo ay qiimaynayaan oo meel weyn gaari doono, ama shaqo fiican ayuu helaa oo lacag fiican laga helayo, riyada waa riyo tusinaysa farxad iyo barwaaqo inaad heli doontaan inshaa Allaah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More