Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday

Su’aasha:

asc waad mahadsan tihiin guud ahan webka daruur Allah macak
waxaan ku riyooday aniga oo la jooga bukaan faalig ku dhacay oon daweeyo isagoo bogsaday oo gacantii intay toostay kala bixinayo oo kor u qaadayo oo socda isgoo faraxsan ana aan aad ugu farxay oon leeyahay alxdlh ilaahay baa mahadle
Allah mahadle.

Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday
Riyada qof bukaan ah oo caafimaaday

Jawaabta:

Riyada bogsashada qofka jirran tafaasiir badan ayay yeelan kartaa, qofka aad ku riyootay hadduu si dhab u bukanaa riyada waxay tilmaamaysaa in qofkaas uu ka raysan doono jirrada haysa, hadduu dhib ku jiray dhibkaas ayuu ka baxayaan, haddii qofkaas aadan garanaynin adiga ayay kugu socotaa riyada dhib haddaad ku jirto waad ka baxaysaa haddii aad xanuunsan tahay xanuunka ayaad ka bogsanaysaa.

Marka riyada qofka xanuunsan oo caafimaad helayo habka aan soo sheegnay ayaa loo fasiraa, mar kaste waxaa la fiiriyaa xaalada qofka arkay iyo qofka jirran.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More