Riyada mas cagaar ah iyo jirjiroole
Riyada:
Asc. Waxan ku riyooday mas cagaar ah oo xoogaa weyn, wuxuu kasoo baxaayay albaabka dhexdiisa oo uu isku qarinaayay lkn qofbaan maqlay igu leh masbaa halkan kuugu dhuumanaaya, wuxuuna ahaa sidii mas isoo gaadaaya aniga. Dabadaan ubaxay waxaanan doontay Nabar aanku dilo, birbaan soo helay. Waxaan u imi isagoo guriga kujira oo jirjiroole cagaar ah lajooga, wuxuuna isku dayaayay inuu jirjiroolaha dhex galo oo isku qariyo, lkn birtii ayaan madaxa kaga dhuftay, wuxuuna noqday mas yar oo dhuuban oo wax dhintay u eeg.
Mahadsanid sheekh.

Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa nin cadow ah inuu dhib kugu samayn rabo waxaa la socdo qof munaafuq ah oo been badan
Labadaas qof waa dad lagaaga digayo, waxaa lagaaga baahan yahay inaad iska ilaaliso.
Maska wuxuu matalaa nin cadow ah, jirjiroolahana waa qof labo wejiiile ah oo been badan.
Maska cagaaran waa cadow daciif ah aan dhib badan kugu samayn karin
Riyada jirjiroolaha halkan ka daawo
The dream indicates that an enemy is trying to harm you, and may be accompanied by a hypocrite who lies a lot.
Both of these people are persons to be warned about, and you need to be careful of them.
The snake represents an enemy, and the chameleon is a two-faced person who lies a lot.
