Qof baa afka igaga kaajay riyadaas waa maxay
Riyada:
Asc wllo.
Waxan ku riyooday. Naag fanaanad caana ah oo aan dareemayay in ehel-nimo ama wax lamida naga dhaxeeyan ayaa suuqa kusoo xanuusatay, waxa lasocotay oo garabka haysay Gabadh xaas ah oo aan aqaano, waxay galisay guri dhakhtar ah oo u muuqda guriga ay dagan tahay.
Kadib alaab ayay gurigeeda iiga dirtay, guriga inanyar oo joogtay ayan weydiyay alaabtu halkay taal lkn imay shegin wey iga qarisay kadib si kadisa ayaan u arkay alaabtii oo meel sare kujirta. Fiish/Barayso iyo laba shey oo caagag yar yar oo cadaan ah ayaan gurigii kasoo qaaday. Fiishtii/baraysadii waxan ka laalaadiyay meel dabaq ah, kadib laba nin oo fadhiyay meesha ayaan udhiibay. Markaan gurigii kasoo baxay waxan u imi iyagoo ku murmaaya wax ay dumarkii yidhaahden waalo baahan yahay, midbaan maagay oo aamusiiyay ragii. Nin kii kale wuxuu itusay faleembo iyo shaykale oo labadii dumar ahaa rabaan in qaybo kamida dahab lagusoo xidho lacagtana aniga layga rabo lkn wuxuu iisheegay in dumarku khiyaamo wadaan oo dahab aan loo baahnayn si qof loo daweeyo. Kadib aad baan u xaqaanay oo waxan ugu galay meeshii, anoo leh meeshan film ayaa lagu matalaa ee dhakhtarba/Hospital maaha. kadib waxa i istaajiyay wiil aan aqaano oo qori sita iina sheegay inaan dib unoqdo, kadib waan lamurmay lkn wiil kale oo dhalin yaraa oo dhoola cadeynaaya ayaa gacanta iqabtay iina kaxeeyay meel halka reception ka oo kale ah kadib waxan arkay isagoo afka masaf ama caag afka iigu jiro isna Afka igaga kaajaayo! Ii fasir wllo khayr hele.

Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ku dhici doonto mashaakil daran oo la xiriiro dad aan wanaagsanayn.
Waxay ku siin doonaan dadkaas lacag xaaraan ah, ama waxaad ku dhici doontaa arrimo aan wanaagsanayn oo qaldan.
Qofka kugu kaajaya waa qof sabab u noqon doono arrimo xunxun inaad gasho.
Been ayaa laguu sheegayaa, waa lagu khiyaanayaa.
Marka riyada waa digniin culus.
Riyada kaadida halkan ka daawo
The dream indicates that you will have serious problems with bad people.
They will give you illegal money from these people, or you will get into bad and wrong things.
The person who is urinating on your mouth is someone who will be the reason for you to get into bad things.
You will be lied to, you will be deceived.
So the dream is a serious warning.
