Riyada islaan duq ah oo dhalinyar noqotay

Su’aasha:

Xalay riyo ayaan ku riyooday intaanan riyada ugalin aan ka horraysiiyo warbixin yaroo gaaban oo riyada xidhiidh La leh. Muddo 10 sano kahor ah waxan ka shaqayn jiray dukaan aanu leenahay macaamiisha dukaanka waxaa kamid ahayd islaan(duq) jaarkayaga ahayd, way shaqaysan jirtay oo suuqa ayay alaabo lafadhiisan jirtay. Kadib anigu jaamacad ayaan tagay dhawr sanno kadib ayaan soo laabtay waxaanan ogaaday islaantii inay yara xanuusatay oo ay shaqadii joojisay jilbo xanuun ayaana kudhacay.
RIYADA : hadaba xalay waxaan kuriyooday islaantii/duqdii oo Isla dukaankayagii joogta oo anigii wax ka iibin jiray wax iga iibinaysa iyadoo waliba sidii hore aad uga da,yar oo caafimaad qabta, runtii aad baan uyaabay waxaanan kudhahay “miyaanad heblaayo ahayn!” Iyadna waxay iigu jawaabtay ” haa waa aniga” kadib waxaan ku dhahay waa maxay isbadalka intan leegi?!
F:g: duqdaasi inay nooshahay iyo inay dhimatay makala ogi.
Walaal riyadaa ii fasira

Riyada islaan duq ah oo dhalinyar noqotay
Riyada islaan duq ah oo dhalinyar noqotay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa adiga xaaladdaada, islaantaas waa astaan kaliya, Ilaahay amuurahaada ayuu kuu sahli doonaa waliba arrin lama filaan ayay kugu noqon doonto waana lala yaabi doonaa,  Alle awood ayuu ku siinayaa iyo hanti badan inshaa Allaah, waa riyo fiican oo bishaaro ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More