Riyada cuntada bariiska iyo digirta saaxiib lala cunayo

Su’aasha:

Asc wllo xalay waxan ku riiyooday anoo la jooga wiil aan saxiibo oo igu dambeyday muddo 9 sano waxana la cunayay Cunto Bariis iyo Digir wali si dhuumalaysi ayan ku cunayay cuntada.

Riyada cuntada bariiska iyo digirta saaxiib lala cunayo
Riyada cuntada bariiska iyo digirta saaxiib lala cunayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa saaxiibkaaga wanaagga idin ka dhexeeyo iyo qiimaha aad isu haysaan, sidoo kale inaad ku kulmi doontaan khayr iyo wanaag, guud ahaan cuntada marka lagu riyoodo waa wax wanaagsan waxay tilmaantaa khayr iyo barwaaqo iyo farxad.

Marka bariiska iyo digirta waa cunto fiican waxay tilmaamayaan farxad weyn inay jirto, marka riyada waa khayr iyo wanaag idin imaan doona adiga iyo saaxiibkaaga waxayna u badan tahay inaad ku kulmi doontaan khayr iyo barwaaqo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More