Site icon Daruur درور

Riyada banooni la ciyaarayo waa maxay

Su’aasha:

Asc walal waa maxay riyada ciyaarta kubada cagta ama banooni waqti habeen mugdi ah waxa ila ciyaaraya 2 gabdho oo ila dhashay iyo walaashey ninkeeda markaan kubada ama banooniga ciyaarayno aad ayaan u kala fognahay oo iskuma muuqano xitaa.

Riyada banooni la ciyaarayo waa maxay
Riyada banooni la ciyaarayo waa maxay

Jawaabta:

Riyada cayaarta kubadda cagta ama banoonida waxay tilmaamaysaa inaad ka fog tahay jidka Alle, qofkii arko isagoo cayaaraya banooni waxaa lagu fasiraa inuu ku mashquuli doono adduun oo uu illaawi doono xuska Ilaahay sidoo kale inuu hawadiisa raaci doono, banoonida waxay ka mid tahay waxyaalaha digriga Ilaahay dadka ka mashuuliya sidoo kale salaadda iyo quraan akhriska.
Marka riyada waa digniin waxaa lagaa raabaa inaad naftaada dib ugu noqoto oo aad fiiriso haddii aad ka ragayso waajibka ku saaran dhanka salaadda iyo fariimaha sharciga.

Exit mobile version