Marki ninki timaha jaraha aha uu damcey in uu bilaabo timo jariida uu arkay timahayga oo timo dumar oo dhaadher timahayga lagu dul xidhay Ka dib marku damcay in uu jaro timaha dumarka ee igu xidhan sidi aan noqday qof xalad kale dareemay oo meshi lagu kala cararay Hadey macqul tahay walal fasirka riyada iso micne mahadsanid
Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa arrimo dadka ay kugu dhaleeceynayaan inaad la kulmi doonto, waxyaalo aan haboonayn inaad gacmaha la gali doonto, riyada timaha noocan ah oo aan timahaada ahayn oo dhaadheer waa murug iyo fikir kuu imaan doono, ka fogow wixii dhib kuu keeni kara, sidoo kale ka fogow dadka dacaayada badan oo niyadda kaa dilaya.