Qooqa badan cuntada miyuu jaraa?

Su’aasha:

Waa idiin salaamay walaalyaal, waxaan ahay wiil doob ah oo 22 sano jiro anigoo bilooyinkii dambe caadeystay siigada ayaa hadana waxaan isku arkay hadaan siigeysan in ay qandho i qabaneyso oo waxba cuni karin oo raashiinka xitaa iima dhadhamo inaan siigeysto mooyee markaasaa waxoogaa furfurmaa marka sideen ka yeelaa arintaas.

Qooqa badan cuntada miyuu jaraa?
Qooqa badan cuntada miyuu jaraa?

Jawaabta:

Waa sax kacsiga badan cuntada ayuu xiraa, qofka marka uu kacsan yahay cuntada uma dhadhanto wuxuu rabaa inuu iska saaro biyaha culayska ku haya, taas waxaa laga wadaa kacsiga aadka u daran.

Marka kacsiga badan qofka marka uu isku arko ma aha inuu siigo ku damiyo, waxaa laga rabaa hadduusan xaas lahayn inuu cuntada iska yareeyo sidoo kale sheekada ama hadalka dumarka inuu ka fogaado sawirada qaaqaawan inuu ka dheeraado waa inuu soomaa soon sax ah, ma aha soonka inta maalintii la soomo habeenkiina cunto aad u badan la cuno, soonkaas kacsiga ma jabiyo.

Haddii aad kacsi badan tahay iska ilaali inaad siigo ku jabiso kacsigaaga malin ayaad ka shallaayi doontaa, marka aad xaas yeelato waxaad ogaan doontaa biya aad iska khasaarinayso sidoo kale tabaryari ayaa kaaga imaan doonto xagga galmada xaaska biyabax degdeg dhamaan wax badan ayaa kuulasoo gudboonaanaya. Marka ha raacin tallaabooyinka shaydaanka dadka u xariiqayo Alle wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّبِعُوا خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ ۚ وَمَن يَتَّبِعْ خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ فَإِنَّهُ يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ)

(Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Raacina Tallaabooyinka (camalka) Shaydaanka Ciddii Raacda Tallaabooyinka Shaydaanka Isagu wuxuu Faraa Xumaanta iyo waxa la Naco)

Raadraac

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More