Qofkii eey qaniiino maxaa lagu sameeyaa

Su’aasha:

Asc kawaran qaniinada eeyga caafimaad xumo ahaan maxaa la sameeyaa hadu ku qaniino eey.

Qofkii eey qaniiino maxaa lagu sameeyaa
Qofkii eey qaniiino maxaa lagu sameeyaa

Jawaabta:

Eyga hadduu qofka qaniino waa in si deg deg loogu duraa daawada qaniinyada eyga maxaayeelay waxaa laga yaabaa inuu qabo cudurka loo yaqaano waalida eeyga.
Intuusan qofka aadin isbitaal waxaa laga rabaa inuu sameeyo arrimaha soo socda:

1- meesha laga qaniinay inuu dhaqo.
2- inuu ka dhaqo wax nadiifin kara dhareerka eeyga oo gaaray jirka. Taas waxay yaraynaysaa feyraska waalida eeyga oo halis ah qofka haddii aan laga daaweynin waa cudur dilaa ah, eeyaha qaar ayaana qaba cudurkaas, qofka waa in lagu duro daawada loogu talaggalay qaniinyada eyga.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More