Qofka zineysta iyo qofka aan waligiis zineysan balse filimaanta qaawan ku raaxeysta maxaa farqi u dhexeeyaa?

Qofka zineysta iyo qofka aan waligiis zineysan balse filimaanta qaawan ku raaxeysta maxaa farqi u dhexeeyaa?

Su’aasha:

Sxb wanku salamay een qofka zineysta ee naagaha si xaaraan ah ugu galmooda iyo kan aan waligiis zino ku dhicin hase yeeshe u bartay daawashada filimada qaawan iyo siigada maxaa farqi u dhexeeya ma la dhihi karaa waa isku dambi marki loo eego dhinaca diinta bal xog iga sii sxb

Qofka zineysta iyo qofka aan waligiis zineysan balse filimaanta qaawan ku raaxeysta maxaa farqi u dhexeeyaa?
Qofka zineysta iyo qofka aan waligiis zineysan balse filimaanta qaawan ku raaxeysta maxaa farqi u dhexeeyaa?

Jawaabta:

Zinada cad waa qofka inuu naag xaaraan ah u galmoodo axkaam bayna leedahay, marka hore waxaa kusoo arooray nas cad oo tilmaamay inay ka mid tahay dambiyada waaweyn oo towbad u baahan, teeda kale qofkii sinaysto hadduu qof aan guur xalaal ah soo marin wuxuu mutaysanayaa ciqaab adduunyo oo ah boqol jeedal ama karbaash, hadduu yahay qof guur soo marayna waa in dhagax lagu dilo.

Laakin qofka filimada galmada daawanaya dambi foolxun ayuu ku sugan yahay faaxisho ah, laakin axkaamta sinada laguma dabaqayo waayo sinada waa falka aan soo sheegnay, laakin qofka wuxuu galay dambi la xiriira aragtida cowrada oo ay diinta mamnuucday teeda kale wuxuu daawanayaa sino wuuna ku raaxaysanayaa, waxayna u keeni kartaa sino inuu galo, marka towbadda way furan tahay, waxaa waajib ku ah qofka inuu ka fogaado waxaas oo dhan waayo hal jid ayay kugu ridayaan waa sino toos ah.

Teeda kale waxaa la ogaaday dadka daawada filimada xunxun inay sino ku dhacaan badankooda haddii ay guursadaanna naagahooda lama raaxaysan karaan, waxaa kaloo ay ku waalanayaan siigada oo iyadana ah wax aad u foolxun.

 

Qofkii sexy daawado ee ku siigeysta ma zinada ayay la mid tahay

يقول تعالى ناهيا عباده عن الزنا وعن مقاربته وهو مخالطة أسبابه ودواعيه ( ولا تقربوا الزنا إنه كان فاحشة ) أي ذنبا عظيما ( وساء سبيلا ) أي وبئس طريقا ومسلكا

أنَّ غلامًا شابًّا أتى النبيَّ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم فقال : يا نبيَّ اللهِ أتأذنُ لي في الزنا ؟ فصاح الناسُ به , فقال النبيُّ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم قَرِّبوهُ , ادْنُ فدنا حتى جلس بين يديْهِ , فقال النبيُّ عليه الصلاةُ والسلامُ : أتحبُّه لأُمِّكَ فقال : لا , جعلني اللهُ فداك , قال : كذلك الناسُ لا يُحبُّونَه لِأمَّهاتِهم , أتحبُّه لابنتِك ؟ قال : لا ، جعلني اللهُ فداك قال : كذلك الناسُ لا يُحبُّونَه لبناتِهم , أتحبُّه لأختِك ؟ وزاد ابنُ عوفٍ حتى ذكر العمَّةَ والخالةَ , وهو يقولُ في كلِّ واحدٍ لا , جعلني اللهُ فداك , وهو صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم يقولُ كذلك الناسُ لا يُحبُّونَه , وقالا جميعًا في حديثِهما – أعني ابنَ عوفٍ والراوي الآخرَ – : فوضع رسولُ اللهِ صلَّى اللهُ عليهِ وسلَّم يدَه على صدرِه وقال : اللهمَّ طهِّرْ قلبَه واغفر ذنبَه وحصِّنْ فَرْجَه فلم يكن شيءٌ أبغضَ إليه منه . مصدر

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More