Qofka arka riyooyinka badan maxaa la dhihi karaa

Qofka arka riyooyinka badan maxaa la dhihi karaa

Su’aasha:

Sidi aan ugaarey 20 sano waxaan arkey in kabadan 40 riyo halsano gudaheeda marka maxeytahay riyooyinkaa tirada badan neh qaarna aan xasuusto qaarne aan ilaawey dhalinyaro sidaa ah ma jirtaa.

Qofka arka riyooyinka badan maxaa la dhihi karaa
Qofka arka riyooyinka badan maxaa la dhihi karaa

Jawaabta:

Dadka way ku kala duwan yihiin aragtida riyada dad waxaa jira riyadooda ay tahay dhif, waxaa laga yaabaa dhawrkii bilood hal mar inay riyo arkaan, dadna aad bay u arkaan waxaaba dhici karta habeen kaste inay riyo arkaan.

Riyada badan wax dhib ma laha, bal waxaa la dhihi karaa qofka riyooyinka badan nasiib ayuu leeyahay siiba marka riyadiisa ay soo baxayso, riyada waxay u noqon kartaa digniin wax lagaaga digayo, sidoo kale qofka mu’minka ah riyadiisa way rumoobaysaa marka la gaaro aakhir samaanka sida xadiiska sheegay, nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(إذا اقْتَرَبَ الزَّمانُ لَمْ تَكَدْ تَكْذِبُ رُؤْيا المُؤْمِنِ، ورُؤْيا المُؤْمِنِ جُزْءٌ مِن سِتَّةٍ وأَرْبَعِينَ جُزْءًا مِنَ النُّبُوَّةِ)

(Markuu samanka soo dhowaado riyada mu’minka been ma noqoto, riyada mu’minka waa qeyb ka mid ah lix iyo afartan qeybood nabinimada ah)

Xadiiska waxaa wariyay Bukhaari wuxuu tilmaamayaa qofka mu’minka ah riyadiisa inay ka timaado xagga Alle waxaa sii caddeynaya xadiis kale saxiix ah oo uu wariyay Ibnu Maajah isaga saxiix ah wuxuu yiri nabiga (SCW):

(الرُّؤيا الحسنةُ من الرَّجلِ الصَّالحِ جزءٌ من ستَّةٍ وأربعين جزءًا من النُّبوَّةِ)

(riyada fiican oo ka imaanaysa qofka wanaagsan waa qeyb ka mid ah lix iyo afartan nabinimada ah)

Riyada qofka mu’minka arkaya waxaa loo ekeeysiiyay nabinimada, maxaayeelay xagga Alle ayay ka imaanaysaa siday nabinimada uga tmid waana xaq siday nabinimada xaq u tahay.

Wuxuu yiri Muxammad bin Siiriin (Alle ha u naxariistee):

(كانَ يُقالُ: الرُّؤْيا ثَلاثٌ: حَديثُ النَّفْسِ، وتَخْوِيفُ الشَّيْطانِ، وبُشْرَى مِنَ اللَّهِ، فمَن رَأَى شيئًا يَكْرَهُهُ فلا يَقُصَّهُ علَى أحَدٍ ولْيَقُمْ فَلْيُصَلِّ)

(waxaa la dhihi jiray; riyooyinka waa seddex: wax naftu ku sheekaysato, iyo cabsigalinta shaydaanka, iyo bishaaro xagga Alle ka timid, qofkii ku riyoodo wax uu neceb yahay qof yuusan u sheegin ha istaago ha tukado)

isla bukhaari ayaa ka wariyay oraahdan.

 

Riyooyinka Tirada Badan Ma Caafimaad Darro Baa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More