Qof maaddiga u sahlan quraankana ku adag maxaa daawo u ah

Su’aasha:

Waxaan Ahay Qof Aad Ugu Fiican Waxbarashada Dhamaan Waxyaabaha Maadiga Ah Nuucay Doonaanba Ha Noqdaane Laakiin Quraanku Saaid Ayuu iigu Adag Yahay Markaa Maxaa Sababay Inay Waxyaabihii Maadiga Ahaa Dhamaantood Aan Kuwanaagsanaado Quraankana Aan Kuliito Mise Quraanku Wuu Ka-Adagyahay Waxyaabaha Maadiga Ah Mararka Qaar Ayaan Is Odhan Jiray Malaha Arintan Siigadii Ayaa kugu Reebtay Talo izii Dr.

Qof maaddiga u sahlan quraankana ku adag maxaa daawo u ah
Qof maaddiga u sahlan quraankana ku adag maxaa daawo u ah

Jawaabta:

Walaal taas waxay u noqonaysaa ku dadaalka aad ku dadaalayso waxa aad niyaysan tahay haddii quraanka aad siiso niyad waa kuu sahlanaanayaa, waliba quraanka Alle sahal buu ka dhigay fahankiisa iyo akhriskiisa wuxuu yiri Alle:

(فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ الْمُتَّقِينَ وَتُنذِرَ بِهِ قَوْمًا لُّدًّا)

(waxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo xun))

(فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ)

(waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan).

(وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ)

(Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid waanada qaadata).

Kaliya wuxuu kaaga baahan yahay maalin kaste inaad akhriso oo aad ku dadaasho oo aad barato tafsiirkiisa maxaayeelay fahanka tafsiirka quraanka kariimka wuxuu fududeynayaa xifdinta,

Waxaa kaloo aad ka fogaataa dambiyada, iyo dhageysiga heesaha iyo muustikada, waxaa la ogaaday qofka heesaha aad u dhageysta inuu quraanka ku adkaanayo, maskaxdiisa dhagax ayay noqonaysaa quraanka ma galayo, taas dad badan ayaa isku arkay, culimada muslimiintana way sheegeen arrintaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More