Qof janaabo qabo ma soomi karaa

Su’aasha:

qofka sooman haduu  ku riyoodo asoo haweeney galmo la samaynaya oo sidaas biyaha uga baxaan soonkiisa ma jabayaa.

Qof janaabo qabo ma soomi karaa
Qof janaabo qabo ma soomi karaa

Jawaabta:

Janaabada soonka ma jabiso, qofka hadduu hurdayo oo uu ku ryoodo galmo asoo sooman haddii ay shahwada ka timaado  soonkiisa meesha ayuu kasii wadanayaa soonka kama jabayo.

laakin haddii gacanta uu ku keeno siiga hadduu ku keeno soonkiisa wuu jabayaa. waxaana daliil u ah inuu soomi karo qofka qasliga ama janaabada qaba xadiiskan:

عن أم المؤمنين عائشة وأم سلمة رضي الله عليهن في صحيح البخاري ومسلم أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يدركه الفجر وهو جنب من أهله ثم يغتسل ويصوم

 Bukhaari iyo Muslim waxay ka wariyeen Caa’isha iyo Umu Salama (RC)  in rasuulkii Alle fajarka uu soo haleeli jiray asoo janaabo ka qabo xaaskiisa kaddib ayuu qubaysan jiray waana soomi jiray

 

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More