Qof haddaan wax ka xado oo aan towbad rabo sideen ugu celiyaa

Su’aasha:

asc dhamaan walaalaha daruur salan kadib
waxan arkay su,al aad kaso jawabten balse su,al kale igu dhalisay tasoo ah qofka wax xaday oo tobad kenaya waxa dhahday waa laga rabaa waxa xaday inaad dib uceliso lkn kawaran bal qof ka uu wax kaxaday haday kala fogaden uuna mel ku ogayn muxu sameyna qofka
mida kale qof ka waxa laga xadayo hadu asaguna soxaday kawaran wuxu so xaday laga siixado ama uuba xaran kuso shaqeyay.

Qof haddaan wax ka xado oo aan towbad rabo sideen ugu celiyaa
Qof haddaan wax ka xado oo aan towbad rabo sideen ugu celiyaa

Jawaabta:

Qofka hadduu qof wax ka xado labo dambi ayaa qoorta ka saaran kan koowaad waa dambiga xatooyada oo Alle xarrimay kaas waa xaqqa Alle (SW) wuu ka towbad keeni karaa, dambiga labaadna waa xaqa addoonka alaabta laga xaday, hadduu towbad keeno waxaa laga rabaa inuu soo celiyo waxa uu xaday haddii ay suurtagali wayso soo celinta ninka laga xaday ayuuba ka baqay inuu dhib kale uga yimaado ama ninkii ayuu waayay markaas wuu u sadaqaynayaa.

Midda kale haddii ninka aad ka xadday isagana uu soo xaday waxaa iska leh kan kowdii lagasoo xaday hantida midka soo xaday looma celinayo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More