Qof dambi sameyn raba haddaan ugu kaalmeeyo

Qof dambi sameyn raba haddaan ugu kaalmeeyo

Su’aasha:

Asc Daruur.com, ugu horrayn ilaahaybaa mahadleh marlabaad webka oo habeen iyo maalinba utaagan inuu u adeego bulshada, wacyigooda iyo aqoontoodana kor uqaaada. Bacdeen su,aal ayaan qabaaa,, intaanan su aasha soo dhigin kahor warbixin yaroo gaaban aan ka horraysiiyo; waxan kunoolahay magaalo ay wada daganyihiin dad muslimiin ah iyo kuwo Christian ah laakiin magaalada waxa maamula awooddana kuleh muslimiinta, waxan leeyahay farmasi agtaydana waxa kuyaalla farmasi kale oo Oday Christian ahi leeyahay odaygaasi waxa uu sameeyaa waxyaabo qaldan oo uu kamidyahay uurka sharcidarrada ah oo uu soo xaaaqo! Dad badan oo soomaali ah oo hablo ubadan ayaa uyimaadda iyagoo uurleh (sharcidarro) si ay isaga soo xaaqaan lacag badanna uu ka qaataa! ,, hadaba waxa jira dadka qaarkood oo farmasigayga soo gala iyagoo moodaya inaan ahay kii ay usocdeen maadaama ay tilmaan kusocdaan farmsiga kalena aanu jaarnahay,, hadaba su,aashaydu waxay tahay dadkaa hadaan ugu jawaaabo anigu ma sameeyo waxaas ee Kan igu xiga ayaa sameeya (falka xaaqista) danbiga qayb ma kuyeelanayaa maadaama aan tilmaamay? Hadayse jawaabtu haa tahay sideen isku dhaafiyaa?

Qof dambi sameyn raba haddaan ugu kaalmeeyo
Qof dambi sameyn raba haddaan ugu kaalmeeyo

Jawaabta:

Haddii aad hubto dumarka u imaanaya inay uurka iska soo ridaan ha u sheegin hana ku toosinin, waxaad kaga bixi kartaa arrintaas inaad ku tiraahdo aniga ma sameeyo falkaas, intaas ku gaabso illeen qof kugu qasbi karo hadalka ma jiree, haddii aad ugu talaggasho inaad ugu kaalmayso qaladkaas ayaad dambi ku leedahay laakin inkastoo dambiga uusan ahayn midka isaga sameynayo waayo kaas waa qof naf dilaya, guud ahaan iska ilaali inaad ugu kaalmayso dadka xataa hadal hadday tahay kaalmadaas.

Waliba haddii aad awooddo oo aysan dhib kugu ahayn inaad meesha ka wareegto oo meel kale aad u guurto way kasii fiican tahay, taas waa haddaysan dhib kugu ahayn.

Ereyo English oo wadaaga xarfaha ICK si sahlan ayaa loo xifdin karaa

If you are sure of the women who are coming to terminate their pregnancy, do not tell them, nor direct them. You can get out of this by saying, “I don’t do that,” and be short, for there is no one who can force you to speak. If you intend to help her with that mistake, you are guilty of it, but even though the sin is not the one that does it, for that is a murderer. Generally be careful not to help people even if it is that support.

However, if you are able and it is not a problem for you to move from one place to another, it is better, if it is not a problem for you.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More